Madaxwayne Gaadhi Aan Xabadu Karin Kama Difaaci Karo Shacabkaaga, Balse Waxa ka Difaaci Kara Waxbad Iyo Cadaalad.W.Q. Kaptanka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Gaadhi Aan Xabadu Karin Kama Difaaci Karo Shacabkaaga, Balse Waxa ka Difaaci Kara Waxbad Iyo Cadaalad.W.Q. Kaptanka.
November 18, 2018 - Written by Editor:

Halsano oo uu madaxweynuhu xilka hayay waxa uu markii koowaad u ambo baxay gobalada Bariga Somaliland isagoo wata gaadiidka raaxada ee qaaliga ah. Isagoo sigaara ugu safraayay gaadhi aan xabadu karin. Madaxwynaha oo laga filaayay sanadka ugu horeeya ee mudo xileedkiisa inuu yagleelo dhidibadana u aaso xukuumad dalka horumar gaaadhsiin karta iyo waliba sanadka ugu horeeya in lagu arko sifafaale uu ku kasban karo shacabkiisa iskuna jeclaysiinkaro walibana ku midaynkaro dalka iyo dadka ay kala qaybisay doorashadii gacan bidixaynta badnayd ee uu kusoo baxay madaxweyne Muse Biixi.

Madaxweynuhu taa badalkeeda haba yaraantee sanadkaa wax uu qabtay oo lagu muhankaro haba yaraatee majirto. Biriijka hargeisa oo inuu go,o ku dhow xataa waxba lagama qaban intuu xilka hayay. Colaadihii kala duwana ee dalka ka dhacay mid qudha xal waara umuu helin xataa tii ugu danbaysay dhuumay ka dhacday jigjiga aya lagu dabiibaya  oo dalkale ah.

Kala qaybsanaatii dalka petrool ayuu kusii qabtay halkuu dadka isugu Soo jiidi lahaa. Kadib markii uu sadbursiimo saayida  beeshiisa kasiiyay xukuumadii uu Soo dhisay.

Magaalada Burco oo ah talabaad ee dalka ugu population ka badan Isla markaana ah magaalo xasaasiya oo waliba inta badan cida ay doorato Burco aya doorashada ku najaxda. Tusaale ahaan waa magaalada kowaad ee jamhuuriyadda Somaliland shantii madaxweyne ee soomaray ay sadex kasoo jeedaan kaso bilow AHN Tuur, Cigaal iyo Silanyo.

Halka Daahir Rayaale oo Awdal kasoo jeedayna ay Burco ula baxday dhab libaax madaama ay saamayn wayn ku lahayeen.

Madaxweynihii ugu horeeyay ee ku abtirsada Hargeisa oo ah magaalada dalka ugu wayn

ayay sidoo kale Burco gacan wax ku oola ku lahayd. Hadaba marhadii Borama noqday gobalkii aqoonta ee geeska Hargeisa na noqotay caasimadii Berberi na dekadii qaranka Burco ma waxa abaal looga dhigay jeelkii goontinaaba bay oo kale” hadalkan waxa ku tiraabayay dhalinyaradii aanu Burco ku kulanay khamiistii iyo jimcihii oon Burco sadcaal ku tagay.

Madaxwynaha waxa looga fadhiya inuu xaaladda dalka dejiyo iyo inuu dadka isu soo jiido tanaasul badana uu sameeyo cadaaladana ku shaqeeyo kadib uu dalka waxqabad cadaalad ku dhisan wadanka ka bilaabo oo waliba doorashadana waqtigeedii lagu qabto si la isugu Soo dhawaado. Madaxwynaha gaadhi aan xabadu karin ka ilaalin maayo shacabkiisu haduu gadoodo lakin cadaalad iyo horumar ayaa qaranka wada deeqda.

Allah Mahad leh.

COMMENTS
LINKS