Bulshada Reer Gabiley Maxay Ku Xasuusan Doontaa Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Iyo Hogaaminta Maayarka Maxamed Cumar Cabdi ?FAALO. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Bulshada Reer Gabiley Maxay Ku Xasuusan Doontaa Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Iyo Hogaaminta Maayarka Maxamed Cumar Cabdi ?FAALO.
November 18, 2018 - Written by Editor:

“Waxaa Maayarka Gabiley U Suurto Gashay  In kall-fadhigii 20 Cisho Ahaa Uu ku Soo Koobay 2 Maalmood Oo Kaliya,iyadoo Si Badheedha Uu Ku Soo Gabogabeeyay Kall-fadhigii Udanbeeyay Uu 10/11/2018 furmay Soona Gunaanaday 12/11/2018”!!

Bahalkaa Musuqmaasuq

Maayarkii ku shaqeeya

Umaduu matalaayuu

Madaxdooda ahaaday

Mugdibuu galiyaa

Sharciguu murgiyaa

Xeerka wuu malmalaa

Qasnaduu madhiyaa

Makhalkuu gudhiyaa 

Maqluubkuu u rogaa

Markaasuu madaxooda

Ka yeelaa mijahooda .

maayarka gabiley

Jahawareerka Uu galiyay Maayarka Gabiley Maxamed Cumar Cabdi Hanaanka xillgudasho Ee Xilldhibaanada Golaha Deegaanka ee lala soo doortay iyo ku Tumashada Xeerarka Dalka Ee uu ku Kacay Waxaa Markhaati Cad u ah in Aanu Qaban kallfadhiyadii Waajibka Ahaa Ee ku Xusan Xeer Lr 23 Xeerka Gobolada iyo Dagmooyinka QODOBKA 47’aad Faqradiisa Koowaad .

KULAMADA GOLAHA DEEGAANKA.

1.Kall-fadhiyada Golaayasha Degmooyinka Darajada “A & B”waxay ku qabsoomayaan Labadii Biloodba mar,muddada kalfadhiguna waa (20) Cisho .

Golaha Deegaanka Gabiley

Waa Xaqiiqooyin Loogu Xudun xidhay Xarfihii Qoraaga iyo xikmadii hall-abuurka oo Gees u wada jeeda,Waa xulasho iyo Xog Ururin Daboolka ka qaadi Doonta Hanaanka Xillgudasho ee Xilldhibaanada Golaha Deegaanka iyo hogaaminta Maayarka Gabiley Maxamed Cumar Cabdi,Waa qalin Aan xakamaha goosan oo aan u badheedhin xajiimaynta iyo xaqiraada Xilldhibaanada Golaha Deegaanka iyo Maayarka Gabiley.

maayarka gabiley

Waxayse waydiintu tahay.Waa sidee hanaanka Xillgudasho ee Xilldhibaanada Golaha Deegaanka iyo Maayarka Gabiley ? Maxay Bulshada Reer Gabiley ku xasuusan doontaa muddo Lix sanno ah halka ay isku diyaarinayaan in ay Sannado kale ku sii fadhiyaan muddo kordhin ? Ma ku dhaqmaan Xeerka Gobolada iyo Dagmooyinka Xeer Lr 23 ? Ma jiraa Wasiiradii soo maray Wasaarada Arimaha Gudaha Masuul kaliya oo buuxiyay kaalintii Hogaamineed ee ay ku lahayd Xilldhibaanada Golaha Deegaanka iyo Maayarka Gabiley ? Ma la qarin karaa gabood falada iyo xadiga Musuq-maasuq ee ay ku keceen Xilldhibaanada Golaha Deegaanka iyo Maayarka Gabiley ? Jawaabaha Su”aalaha waxaan ku faahfaahin doonaa Qormooyin taxane ah oo diirada ku saari doono fashilaadaha iyo marin habaabinta ku dhacday Maamul daadajintii loo soo Doortay  Xilldhibaanada Golaha Deegaanka  .

Waa maalin Salaasa ah oo taariikhda ku beegan 17/3/2015 oo Bulshada Gabiley ku xusi doonto mustaqbalka danbe maalin madaw,waa maalin Xukuumadii Madaxwayne Siiraanyo gaar ahaan Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali X Xasan uu faro galin Qaawan ku sameeyay Tartankii Xilldhibaanada Golaha Deegaanka si xor ah oo xalaal ah ugu tartami lahayd Maayarka Gabiley waxayse waydiintu tahay.Maxaa dhacay maalintaa? Maxaa suurto galiyay in Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley wadajir ku doortaan Maayarka Gabiley ? Ma la qarin karaa xadiga Musuq-maasuq ee suurto galiyay doorashadii Maayarka Gabiley Maxamed Cumar Cabdi Maalin taariikhda ku Beegan 17/3/2015 ? .

Xogahan oo Aanu la wadaagnay Masuuliyiin Maalinta xillka ugu sareeya ka hayay Gabiley ayaa noo xaqiijiyay in awooda Musuq-maasuqu suurto galisay in Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley ay wada jir ku doortaan Maayarka Gabiley Maxamad Cumar Cabdi .

Hall xaaraan ahi nirig xalaala ma dhashee,waxaa Maayarka Gabiley Maxamad Cumar Cabdi u suurto gashay in uu gabi ahaanba uu qaban waayo kall fadhiyadii sharciga ahaa isagoo Gabi Ahaanba ka badheedhay in uu ku tunto Xeer Lr 23 Xeerka Gobolada iyo Dagmooyinka QODOBKA 47’aad

KULAMADA GOLAHA DEEGAANKA.                                             

1.Kall-fadhiyada Golaayasha Degmooyinka Darajada “A & B” waxa uu qabsoomayaa Labadii biloodba mar,muddada kalfadhiguna waa (20) Cisho,Kulamada Guddi hoosaadyaduna waxay ku caddaan doonaan Xeer hoosaadyadooda.

Sidoo kale,waxuu Xeer Lr 23 Xeerka Gobolada iyo Dagmooyinka Qodobka 29 si cad u qeexayaa hadii Sadex Kall fadhi oo isku xiga ay qaban waayaan ay ku mutaysanayaan in la kala diro Xildhibaanada Golaha Deegaanka QODOBKA 29’aad

KALA DIRIDDA GOLAHA Deegaanka .

  1. Markay (3) kalfadhi oo is xiga sabab la’aan, Degmooyinka Darajada “A” &“B” fadhiyadoodu u qabsoomi waayaan. Degmooyinka Darajooyinka C, & D hadii 4 Kalfadhi oo isku xiga sabab la’aan u qabsoomi waayaan .

Mar kale,waxaa u suurto gashay Maayarka Gabiley in kall-fadhigii 20 Cisho ahaa uu ku soo koobay 2 Maalmood oo kaliya,iyadoo si badheedha uu ku soo gabogabeeyay Kall-fadhigii u danbeeyay uu 10/11/2018 furmay soona gunaanaday 12/11/2018,dhacdadan oo tilmaamaysa in Xildhibaanadii Golaha Deegaanka Gabiley lagu tilmaami karo kuwo hawlgab ah oo gabi ahaanba jahowareer  ku dhacay  marka laga reebo Labada Xilldhibaan ee Xilldhibaan Maxamad Aamin Cali iyo Xill Iid Xasan Cabdi oo iyagu la yimid Xillgudasho, waxayse waydiintu tahay aaway Kaalintii Wasaarada Arimaha Guduhu ku lahayd Hogaaminta la socodka iyo kormeerka hanaanka Xillgudasho ee Xildhibaanadii Golaha Deegaanka Gabiley iyo Maayarka Gabiley sida uu tilmaamayo Qodobka 98 ee Xeer Lr 23 Xeerka Gobolada iyo Dagmooyinka QODOBKA 98’aad.

KORMEERKA IYO BAADHISTA.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa awood u leh kormeerka iyo baadhista Hantida, shaqada iyo hubinta fulinta shuruucda, Xeerarka iyo Siyaasadda Guud ee Qaranka. Sidoo kale Hanti Dhawrka Guud ayaa u xil saran baadhista maamulka iyo Maaliyadda Golaha Degmada.

La Soco Qormooyin kale oo Xiiso Badan.

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS