BAAQ MUWAADDIN;Wadahadallada Somaliland Iyo Somalia, Dabin Laynala Helay! Amb Cali Aadan Cawaale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
BAAQ MUWAADDIN;Wadahadallada Somaliland Iyo Somalia, Dabin Laynala Helay! Amb Cali Aadan Cawaale.
November 18, 2018 - Written by Editor:

Marka aynu eegno hab dhaqanka Farmaajo iyo kooxdiisa oo mudantooda kowaad ee siyaasadda dibedda ka dhigtay go’doominta Jamhuuriyadda Somaliland waxay dib iigu celisay xusuuso doora oo aan badankooda u soo joogay, mararka qaarna aan ka talo bixiyey balse aan si la iila arag.

baaq muwaadin

Aqoonsi raadiskii Somaliland sidaan qabo waxa ciidda lagu rogey Febrauary 2012 markii aynu aqblay inaynu wadahadal la gallo Somalia shirkii lagu qabtay UK. Maalintaas ayeynu dabin qarsoon ku dhacnay. Waxa joogsaday dedaalkii albaabbo garaaca, waxa rejo oo dhan laysugu geeyey Somalia oo ina fasaxda, balse waxa magacii laga beddelay guddidii Baarlamanka UK ee taageeri jirtay Somaliland iyadoo loo bixiyey “Somalia and Somaliland Parliamantary Group”. Dabeed waxa ku darmay qaar Somalia taageera oo kula midoobay magaca cusub.

Waxa xigay in shirkii kowaad ee wada-hadallada oo ka dhacay London bishii June 20 – 22keedii 2012, kaas oo ay qoladii Somalia ka socotay diideen xataa inaynu ahayn laba dal oo 1960 midoobay. Waxase markii dambe ka soo baxay qodobbo fashil ka cara ahaa (Face saving) oo ay dabada ka riixeen qolyihii kulanka qabanqaabiyey oo ahaa UK, EU iyo Norway.

Wixii intaa ka dambeeyey UAE iyo Turkey-na waaba la diiday in agendaha lagu daro qodobka ugu mudan ee ka noqoshada midawgii 60kii oo laga hadlo.

Taariikhdaa kor ku xusan laga soo bilaabo Aqoonsi raadiskii Somaliland god madaw buu ku dhacay oo marka aad UK ama kuwa kale la soo qaaddo aqoonsiga Somaliland jawaab degdeg ah bay soo qaddimayeen, taas oo ah in laga dhursugo Wada-hadallada u dhexeeya Somalia iyo Somaliland.

Anigu dhawr goor ayaan kala hadalay dawladda Somaliland ee markaa jirtay oon ku taliyey inaynaan waqti ku lumin wadahadallo madhalays ah balse taydii lama qaadan.

Haantan iyo dan

Waynu aragnaa oo Somaliyada Farmaajo waxay mudnaanta kowaad siisay sidaan kor ku xusay go’doominta Jamhuuriyadda Somaliland, iyaga oo taas wax kasta ka horreysiiyey. Tusaale waxaynu u soo qaadan karraa UAE oo ay kula colloobeen maalgalinta Somaliland ee Dekedda. Ethiopia oo ay wax kasta u oggolaadeen si aanay Somaliland ula macaamilin iyo Saudi Arabia oo ay hadda maslaxanayaan si aanay Somaliland xidhiidh dhow ula yeelan.

Xataa waxay ku khamaareen Somaliland ku xumayn darteed xidhiidhkoodii Turkey oo taageerada ugu badan siiya. Taasi waxay muujinaysaa inay Farmaajo iyo kooxdiisa waxa kasta uga mudantahay go’doominta Somaliland, wuxuse illawsan yihiin inay ciidammo shisheeyo ugu magan yihiin dalkoodii oo dano qalaad uun laga fushanayo, Somaliland-na marxalado tan ka adag ka soo gudubtay, tanna ka gudbi doonto insha ALLA.

Marka xaal sidaa yahay waxan kula talinayaa Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibedda iyo Madaxweynaha inay qaataan go’aan caddaynaya inay Somaliland ka baxday wada-hadalkii u dhexeeyey Somalia, xaqeedana iskeed u raadsanayso. Halkaa marka aynu istaagno qolyaha sheegta beesha caalamka ee isu qaba inay iyagu gacanta inagu hayaan ee maanta indhaha ka qarsanaya tallaabooyinka curyaaminta ah ee Farmaajo wado ayaa iyagoo yaacaya inoo iman, iyagoo maxaa dhacay leh. Haddaynu Moscow wefdi u dirrana way innogu badin.

Haddii reer galbeed innaga eexday waxa inoo furan albaabbo kale oo ay tahay inaynu garaacno, waa inaynaan aqbalin garbaduub in Farmaajo iyo kooxdiisa laynoogu xidho. Dalkeenu bogcad qiimo badan oo halbawle ah buu ku yaal, waana buux dalal aynu danwadaag noqon karraa balse dedaal, wadajir iyo go’aamo adag bay rabtaa.

Guul Somaliland

Qalinkii; Amb Cali Aadan Cawaale

COMMENTS
LINKS