Bulshada Reer Gabiley Maxay Ku Xasuusan Doontaa Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Iyo Hogaaminta Maayarka Maxamed Cumar Cabdi ? Qormadii 2 Aad.. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Bulshada Reer Gabiley Maxay Ku Xasuusan Doontaa Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Iyo Hogaaminta Maayarka Maxamed Cumar Cabdi ? Qormadii 2 Aad..
November 20, 2018 - Written by Editor:

“Maayarkii Hore Ee Gabiley Shucayb Maxamed Muuse Wuxuu Qabtay 11 kall-fadhi Mudo Laba Sannadood Iyo Sadex Bilooda Uu Xilka Hayay,Halka Maayar Maxamed Cumar Cabdi Uu Mudo Afar Sannadood Ku Dhaw Oo Uu Xilka Hayay Uu Qabtay 5 kall-fadhi Oo Laba-Laba Maalmood Socday,Warbixin;

Bahalkaa Musuqmaasuq.

Maayarkii ku shaqeeya.

Goluhuu matalaayuu,

Madaxdooda ahaaday

Sharcigoo la mulaaqiyo

Mugdigay ka helaanoo

Mabsuud ay ku noqdaan

Qormadii 2 Aad

Dastuurka Jamhuuriyada S/land Qodobkiisa 111 faqradiisa 4 iyo 8 aad waxuu ku waajibiyay Xildhibaanada Golaha Deegaanka in ay awood u yeeshaan qorshaynta dhaqaalahooda iyo arimahooda Bulshada sidoo kale,Dastuurku waxuu si cad u qeexay in la kala diri karo Golaha Deegaanka iyagoon mudo xileedkoodu dhamaan hadii ay noqdaan kuwo aan awoodin in ay waajibaadka Dastuurka gutaan.

Golaha Deegaanka Gabiley

4.Golayaasha Dagmadu waa in ay noqdaan kuwo awood u leh qorshaynta dhaqaalahooda iyo arimahooda Bulshada .

8.B.Gole Dagmo waa la kala diri karaa iyagoon mudadiisu dhamaan .

  1. Xaalada ay ku iman karto iyo qaabka loo diri karo xeerbaa tilmaamaya .

Xeerka Gobolada iyo Dagmooyinku waxuu si cad u qeexayaa QODOBKA 29’aad KALA DIRIDDA GOLAHA DEEGAANKA .

1.Marka ay (3) kalfadhi oo is xiga sabab la’aan, Degmooyinka Darajada “A” &“B” fadhiyadoodu u qabsoomi waayaan.Degmooyinka Darajooyinka C, & D hadii 4 Kalfadhi oo isku xiga sabab la’aan u qabsoomi waayaan.

mayir shucayb

Waxaanan ka marag kacayaa in Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley Sannadkii 2017 aanay Hall kall fadhi u qaban Maayarka Gabiley .

MAAYARKA GABILEY

Waa mar kale iyo qormadii Labaad oo xambaarsan xaqiiqooyin Bulshada Gabiley ugu iftiimin doono fadhiyadii Xilldhibaanada Golaha Deegaanka oo gabi ahaanba qabsoomi waayay ku shaqaynta talooyinka Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley oo meesha ka baxday,awooda laaluushka oo jahawareer ku riday Golihii la doortay.

Iyadoo,markhaati cadd uga dhigayo,Awood maroorsiga Maayarka Gabiley Maxamad Cumar Cabdi uu ku kacay muddo Afar Sanno ku dhaw uu xillka hayay.Sharci jabinta,ku takri falka hantida umadda,Musuq-maasuqa iyo Maamul xumada ku habsatay guud ahaan Bulshada Gabiley ayaan diirada ku saari doonaa Qormooyinkan,waxayse waydiintu tahay.Maxaa ka dhacay Gabiley markuu Maayarka Gabiley Maxamed Cumar Cabdi xilka kala wareegay Maayarkii hore  Shucayb Maxamad Muuse maalin isniina ku beegan 24/3/2015? Muxuu xeerka Gobolada iyo Dagmooyinka Xeer Lr 23 2007 ku tilmaamayaa markuu ku kaco qodobada aan kor ku soo sheegay ? Jawaabta saxda ah ee markhaatiga cad wadata waxay tilmaamaysaa in Musuq-maasuqa,awooda laaluushku iyo ku takri falka hantida umada ay maskax guur ku riday hanaanka maamul Dawlada Hoose ee Gabiley,isla-markaana ay kaalintii hogaamineed ee Wasaarada Arimaha Gudaha ay gabtay .

Dastuurka Jamhuuriyada S/land waxuu si cad u qeexay in Maamulka Gobolada iyo Dagmooyinka yihiin qayb ka mida xukuumada,mar kale,Dastuurka Jamhuuriyada S/land waxuu ku waajibiyay Xildhibaanada Golaha Deegaanka in ay awood u yeeshaan qorshaynta dhaqaalahooda iyo arimahooda Bulshada sidoo kale,Dastuurku waxuu si cad u qeexay in la kala diri karo Golaha Deegaanka iyagoon mudo xileedkoodu dhamaan hadii ay noqdaan kuwo aan awoodin in ay waajibaadka Dastuurka .

4.Golayaasha Dagmadu waa in ay noqdaan kuwo awood u leh qorshaynta dhaqaalahooda iyo arimahooda Bulshada .

8.Gole Dagmo waa la kala diri karaa iyagoon mudadiisu dhamaan .

Diiwaanada taariikhdu waxaa lagu xusi doonaa dhibaatooyinka ay Bulshada Gabiley kala kulmeen Maayarka Gabiley Maxamad Cumar Cabdi waana sidan :-

Muddo Lix sanno ah oo Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley xilka hayeen waxaa oo xeerku ku waajibiyay in ay qabtaan 30 Kall fadhi,waxuu Maayarka Gabiley Maxamad Gabiley Maxamad Cumar Cabdi ka sheegay in kall fadhigii 16 Aad u qabtay,waxaase iswaydiin mudan imisa kall fadhi ayuu qabtay Maayarkii hore ee Shucayb Maxamad Muuse,waxaa diiwaanada dawlada hoose ee Gabiley ku xusan in Maayarkii hore ee Shucayb Maxamad Muuse uu qabtay 11 kall-fadhi mudo Laba Sannadood iyo sadex bilooda uu xilka hayay,halka Maayar Maxamad Cumar Cabdi uu Afar mudo Sannadood ku dhaw uu xilka hayay uu qabtay 5 kall-fadhi oo Laba-Laba maalmood socday .

La Soco Qormooyinka Kale Oo Aan Diirada Ku Saari Doono Mashhariicda Aan Qabsoomin Iyo Xadiga Musuq-maasuqa ee ku cad Miisaaniyadaha Golaha Deegaanka Gabiley Ansixiyeen .

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS