“Hadaad Idinku Is Cuntaan Dalkan Waa La Qabsanayaa”..Sheekh Adam-siiro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Hadaad Idinku Is Cuntaan Dalkan Waa La Qabsanayaa”..Sheekh Adam-siiro
November 23, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Ahmiyadda Diinta Islaamku siisay in Dadku Shaqo kasta oo ay qabanayaan u Talo-saartaan Illaahay (SW).

Sheekh Aadan waxa kale oo uu khudbadda Jimcaha kaga hadlay Weerar dhowr habeen ka hor Jabhad reer Somaliland ah oo ku dhuumaalaysanaya gudaha Maamul-gobolleedka Puntland ay ku soo qaadeen Degmada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag.

Ugu horreyn Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud oo ka hadlaya Talo-saarashada Illaahay ayaa yidhi  “Waxaynu si kooban uga hadlaynaa Talo saarashada Illaahay, Waayo? Muslimiinta waxa halkaa dhigay markii ay ka tageen  dariiqii Rasuulka (CSW) ee Tilmaamayey in Qofku uu Illaahay Talo-saarto oo uu shaqeeyo.  Nebi ma jiro, hadduu jirana Adhiga ayuu raaci jiray, Nebiga oo la waydiiyeyna wuxuu yidhi ‘Haa..reer Makka ayaan Adhiga ugu raaci jiray baysteyno, waxaan ahaa mid Adhiga raaca si aan ugu fillaado Naftyada iyo inta aan xilkooda hayo’. Laakiin waxaynu ka hadlaynaa Maanta Muslimiintii shaqadii bay ka tageen, Mulsimiintii cilmigii bay ka tageen, waxaynu ka hadlaynaa Muslimiinta la doonayey inay Hal-abuur yeeshaan waxay ka tageen inay noqdaan kuwii wax abuurayey (Hal-abuurayey) markaa waxaan doonayaa inaan ina xasuusiyo inaynu illaahay Talo-saarano oo aynu shaqayno, Waayo? Waddankani (Somaliland) waa qani, laakiin waynu seexanay, haddaad seexatana Adigoo soo taagan ayaa lagu kala tagayaa.”

Sheekha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in laga wanaagsan yahay in Qof Ilaahay siiyey Caafimaad iyo Xoog uu Qof kale wax ka sugo oo aanu shaqaysan “Qofka oo iimaan la yimaadda oo shaqeeya ayaa Tawakul la yidhaahdaa, waxa soo horjeeda Tawaakul, Tawaakulku waa Inankaa dhallinyarada ah ee Xoogga ah ee hadduu dhagaxa jabi is yidhaahdo jebin karaya, ee hooyadii ka dul kallahayso shanta iyo badhka subaxnimo si ay u quudiso, ee intuu dhexda ka xidho 11-ka baxaya ee Maqaaxiya ka sheekaynaya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu farriin u diray Xukuumadda Somaliland “Xukuumadda waxaanu kula talinaynaa Waar shaqeeya oo idinku Dadka hor gala, waar Lixda Subaxnimo Shaqada gala, waar si Dalkani wax u noqdo ka Xalaal miirta, inyar oo kooban oo Dadka jihaysa oo wax ku filan la siiyo si ay u xalaal-miirtaan sameeya. Haddaydaan shaqayneyn si Dalkani u dhismo sidii Japan oo kale, bal shaqeeya 8-dii Saacadood ee Dadkani ku heshiiyey oo ku xalaal-miirta, Dadkana jiheeya si ay wax qabsadaan.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro) waxa kale oo uu khubdaddiisa kaga hadlay Weerar ay Degmada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag ku qaadeen Jabhad uu hoggaamiyo Kornayl Caarre oo dhawaan ka goostay Ciidammada Qaranka Somaliland “Saddex Habeen ka hor Ceel Af-weyn ayuu dagaal ka dhacay, muxuu doonayaa Ninka Ceel Af-weyn dagaalka ka ridayaa ? Muslimiinta halkaa waxa dhigay dagaal aan waddo lahayn, Dad yar baynu nahay, 7 boqol iyo 2 kun baa Codeeyay Dalkaa dhan ee aad arkayso oo doorashadaba dannaynayey, waxan yar waxaynu u samaysanay inaynu ku kala nabad-galo (Doorashada), qaabka uu doono Qofku haku badiyo waynu ku heshiinay, waxaynu nidhi meeshaa ha lagu tartamo oo kii yimaadda muddadiisa aynu ku ilaalino kuna toosino, Annagu waxaanu nahay kuwa ku toosinaya ee Madaxweynaha ku leh ‘kaa daa’, laakiin Madaxweynaha waynu dooranay oo Doorasho ayuu ku yimid, waar Madaxweynaha haddaynu beddelayno Sifo sharci ah ayaa jirta laakiin dagaal maya, dagaal waanu ka soo horjeednaa, Magacuu doono ha yeesho, awoodda uu doono ha yeesho meel ku taallo aynu is-dillo (ma jirto)…”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu sheegay in inta reer Somaliland isku mashquulsan yihiin Shisheeyuhu qorshaynayo siduu Dhulkooda u qabsan lahaa “Somaliland waalla qabsanayaa ha dhawaato ama dheeraatee, weliba Saylac ayay ku hammiyeysaa inay qabsato (Itoobiya), 60 KM ayaanu ku jirnaa Badda cas ma yeelayno (Bad la’aan), ka meesha (Itoobiya) haystaa yidhi, Maraykankaa yidhi Itoobiya inay bad la’aato ma dhici karto Soomaaliduna yeelato Xeebta ugu dheer, kii dunida haystayna sidaas ayuu yidhi, kii jaarkaaga ahaana sidaas ayuu yidhi, haddaad Idinkuna is cuntaan oo kii wax tawdaaba uu Qori soo qaato sow innaga oo soo taagan meesha ha lala wareego maaha? Waar ka daaya ayaanu leenahay.”

Sheekhu wuxuu talooyin u soo jeediyey Madaxweynaha “Madaxweynaha waxaanu leenahay Waar Dadkaaga ururri, waar waxay u baahan yihiin sii, Waar Dadkaaga heshiisii, wax alaale iyo wixii nabad lagu helayo waa inuu sameeyaa Madaxweynuhu, waa inuu Dadka la tashadaa oo uu Dadkiisa ururiyaa.” Ayuu yidhi, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka khudbada sheekha

COMMENTS
LINKS