WAJAALE NEWS

Tababaraha Arsenal Unai Emery oo lagu ammaanay in uunu ka cabsan ciyaartoyda

Tababaraha Arsenal Unai Emery ayaa lagu ammaanay in uunu ka cabsanin in uu kursiga kaydka galiyo ciyaartoydiisa.

Waxaa sidaas qaba Ian Wright oo ah laacib hore ugu soo ciyaari jiray kooxda Arsenal, wuxuuna sheegay in tababare Emery uu leeyahay waxyaabo badan oo uu ku ammaanan yahay, go’aammada uu qaatana ay ku salaysan yihiin waxa danta u ah kooxda Arsenal.

Tababaraha Arsenal ayaan safin Mesut Ozil ciyaartii ay Axaddii Bournemouth la ciyaareen, taas oo Arsenal ay ku badisay 2-1.

Arsenal oo saddex jeer oo isku xigta barbarro gashay ayaan safin Ozil ciyaartii u dambaysay ee ay badiyeen, inkastoo soddon jirkaasi uu yahay ciyaaryahanka ugu mushahaar qaalisan kooxda isaga oo toddobaad kasta qaata 350,000 oo gini.

 

Exit mobile version