Aabaha dhalay Neymar JR oo ka hadlay dhaawaciisa iyo Ciyaarta Liverpool ee Champions league. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Aabaha dhalay Neymar JR oo ka hadlay dhaawaciisa iyo Ciyaarta Liverpool ee Champions league.
November 27, 2018 - Written by Reporter:

Maalmihii ugu danbeeyey ayaa saxaafada aduunku ka hadlaysay dhaawaca soo gaadhay laacibka u dhashay dalka brazil una ciyaara kooxda dalka france ee Paris Saint-Germain kaasoo ku dhaawacmay ciyaartii uu xulkiisa brazil ay la ciyaarayeen xulka dalka Cameroon.

Saxaafada aduunka ayaa qoraysay in uu seegi doono ciyaarta habeen danbe ay wada ciyaari doonaan Paris Saint-Germain iyo kooxda dalka England ee Liverpool taasoo ku tiirsan champions league ee groups-ka, halka saxaafada qaarna ay qorayeen in uu ciyaari doono ama ay suuro gal tahay in uu ciyaaro oo uu yahay dhaawac fudud. Markii ay maqleen jamaahiirta kooxda Paris Saint-Germain wararkan kala duwan ee la isla dhex marayo isla markaana aad uga werwer qaba in uu ciyaari waayo isagoo seegay ama ka maqnaa ciyaartii naadigiisu uu ciyaaray sabtidii ee ay la ciyaareen kooxda Toulouse halkaas oo ay kooxdiisu ka heshay guul muhiim ah.

Ugu danbayntii ayuu ka hadlay aabaha dhalay xidiga neymar jr isla markaana ah wakiilkiisa ayaa sheegay in uu ciyaari doono ciyaarta la wada sugayo ee Paris Saint-Germain iyo liverpoool taasoo ay kooxda Reds ku marti galindoonaan garoonkooda. Sidoo kale waxaa isaguna ka hadlay macalinka kooxda Paris Saint-Germain ee Thomas Tuchel mar uu la hadlayey saxaafada ka hor intii uuna galin ciyaartii Sabtidii.

 

Diyaarintii: Maxamed Cali

COMMENTS
LINKS