“Waxaan Ahay Muslim, shantayda wakhtina waan tukadaa, masjidkana waan nadiifiyaa”. Sadio Mane | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxaan Ahay Muslim, shantayda wakhtina waan tukadaa, masjidkana waan nadiifiyaa”. Sadio Mane
November 27, 2018 - Written by Reporter:

Laacibka ahna Gool dhaliyaha xulka qaranka Senegal iyo kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa saxaafada lagu arkay  ka hor kullaanka adag ee ay kooxdiisa Reds habeen danbe la ciyaari doonto PSG. Sadio Mane ayaa si wayn uga farxiyay jamaahiirta kooxdiisa Liverpool kadib markii la xaqiijiyay in uu taam buuxa u yahay kulanka PSG.

Sadio Mané ayaa xanuunsanayay maalmihii ugu danbeeyay waxaana jiray warar ay daabceen warbaahinta England oo shaki galinayay in Mane uu taam buuxa u noqdo kulanka PSG laakiin Mane oo waxyaabo aad u badan ka hadlay ayaa diyaar buuxa u ah kulanka Paris.

Waxyaabaha ugu xiisaha badan ee uu Sadio Mane kaga hadlay waraysi khaas ah oo uu siiyay wargayska L’Équipe ayay ah muuqaalkii quluubta muslimiinta iyo gaalada dhaqaajiyay ee baraha bulshada sida layaabka leh u qabsaday kaas oo uu Mane ku nadiifinayay masjin ku yaala magaalada Liverpool.

Wargayska  L’Équipe ayaa Sadio Mane wax ka waydiiyay muuqaalkii laga soo duubay horaantii xili ciyaareedkan ee uu sida cajiibka ah ugaga yaabsaday jamaahiirta kubbada cagta laakiin Mane ayaa ku dooday in shaqsigii muuqaalka duubayay uu ka dalbaday in aanu soo daabicin.

Haddii uu muuqaalkii Sadio Mane si wayn u soo jiitay indhaha guud ee kubbada cagta aduunka iyo waliba gaar ahaan muslimiinta waxa uu markale kaga jawaabay erayo muujinaya shaqsiyadiisa fiican iyo sida uu u yahay qof diintiisa islaamka sidii la doonayay ugu dhegsan.

Markii Sadio Mane wax laga waydiiyay muuqaalkii uu masjika ku nadiifinayay waxa uu yidhi: “Anigu waxaan ahay muslim, waxaan maalin kasta tukadaa shan jeer. Markasta oo aan awoodo waxaan tagaa masjika si aan u soo nadiifiyo. Mar aan halkaas tagay waxaan helay saaxiib aad u fiican oo reer Ghana ah”.

Sadio Mane oo sheekadii muuqaalkii cajiibka ahaa ka hadlaya ayaa yidhi: “Waxaan isaga ku marti qaaday in uu igu soo laabto oo uu shaah ama qaxwe ila cabo aniga, wuxuuna igu yidhi: ‘Maya. Waxaan u baahanahay in aan shaqeeyo, waxaa waajib igu ah in aan nadiifiyo musqusha ama suuliyada masjidka”.

Laakiin Sadio Mane oo si layaableh uga sheekaynaya qaabkii uu saaxiibkiisa reer Ghana ugu sheegay in uu isna la soo nadiifin doono Masjika ayaa yidhi: “Waxaan isaga u sheegay in aanu wada jir u soo nadiin karno. Markii aanu shaqada wadnay, qof ayaa muuqalka naga duubay, waxaanan ka dalbaday in aanu muuqaalka soo daabicin”.

Intaa kadib maxaa dhacay? Sadio Mane ayaa sheegay in shaqsigii muuqaalka duubay uu ka balan qaaday in aanu soo daabacayn wuxuuna yidhi: ” Waxa uu iga balan qaaday in aanu soo daabacayn, maalintii labaad internet-ka ayuu ku jiray. Si kastaba ha ahaatee, xaqiiqdii dhibaato ma aha”.

Sadio Mane ayaa muujiyay sida uu u doonayay in qarsoodi ay u ahaato shaqadiisa mutadawacnimo ee nadiifinta Masjidka ilaahay laakiin soo ifbixitaankii muuqaalkan ayaaba sidoo kale sumcad fiican uga dhex sameeyay jamaahiirta kubbada cagta caalamka.

 

Diyaarintii: Maxamed Cali

COMMENTS
LINKS