Haayada WFP Oo Bilowday Qaybinta Raashinkii Ugu Badnaa ,Xili Uu Soo Go,ay Dalagii Dalku Iyo Go,aankii Wasaarada Beeraha Jsl Shaacisay Oo Waxba Kama Jiraan Noqday!!. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Haayada WFP Oo Bilowday Qaybinta Raashinkii Ugu Badnaa ,Xili Uu Soo Go,ay Dalagii Dalku Iyo Go,aankii Wasaarada Beeraha Jsl Shaacisay Oo Waxba Kama Jiraan Noqday!!.
November 27, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Haayada Cuntada Aduunka Ee WFP Oo kamida Hayadaha Qaramada Midoobay Uqaabilsan arimaha cunada , Ayaa gudaha somaliland ka bilowday qaybinta raashinkii ugu badnaa ee ku xaraysnaa istoodhada Haayada kuwaasi oo labadii todobaad ee u danbeeyay ay daabulayeen gaadiid tiro badan oo ah kuwa  xamuulka qaadaa iyagoo ka dhanka kale gaadiidkani culus badan ku haya jidka dhinacyada ka mara maxkamada gobolka  Somaliland taasi oo ay gabi ahaanba xidheen jidkaasi mashquul badana ay galiyeen isku socodka wadooyinkani.

WFP 5 WFP 4

Haayada WFP Ayaa iyadu aan wax door ah ku lahayn  gurmadii  loogu gurmanayay  bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan xeebaha ee ay ku dhufatay duufaantii sagar iyo caawinta dadka ku barakacay dagaalada bari Somaliland iyana aanay ku lahayn wax taakulo ah.

HAYADA WFP

WFP 3

WFP ayaa xiligan bilowday qaybinta raashinkii ugu badnaa eek u xaraysnaa istoodhada haayada  kusoo oo lagu soo daayay suuqyada Somaliland gaar ahaan caasimada hargaysa iyadoo   kusoo beegantay xili ay beeralayda reer Somaliland ay usoo go,een dalagii sanadka ubaxay kaasi oo marka horeba aan haysan suuq wanaagsan oo wax lagaga iibsado halka ay wakhtigana rashinka wfp uu ku keenay saamayn xoogan iyadoo ay beenoowday qorshe hore xukuumada u shaacisay oo lagu sheegay in muwaadiniinta wax soo saarka sameeyay ay ka iibsan doonto haayada ka hortaga aafooyinka si kayd looga dhigo bulshada reer somaliand iyo ka hortaga wixii masiibooyin yimaada ,

WFP 2

Wasiirka wasaarada beeraha Somaliland ayaa hore isna dhankiisa ugu dhawaaqay in wasaarada beeruhu joojinayso raashinka ay dalka keento haayada WFP Ee lagu soo beego wakhtiga bulshada reer Somaliland dalagii ay beerteen uu usoo go,o kaasi oo beeralayda ku haya culus iyo  niyad jab ay ka qaadaan in ay wax soo soo saar sameeyaa,

WFP 1

Hadalkan uu hore Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland usheegay ayaa noqday mid aan meel marin iyo wax tixgalintoona aanay  siinin haayada WFP.

SAWIR

Bulshada reer somaliand ee ku foogan wax soo saarka ayaa walaac xoogani ay ku haysaa suuq la,aanta waxyaabaha ay soo saareen oo suuqa uu ka saaray raashinka mucaawinada WFP oo wakhtiyada uu dalaga dalku soo go,o suuqa loogu soo daayo si ka badan wakhtiyada hore siday wax uqaybin jireen,

SAWIR 2

Iyadoo dadka reer Somaliland ee sida dhow ula socda arimaha ay ku foogan yihiin haayada qaramada midoobay ay sheegeen i  qorshahani uu yahay mid kasoo fula madaxda haayadahan ugu saraysa kaasi oo ku jahaysan bulshada kala duwan ee caalamka iyadoo ujeedadiisa ay ku qeexeen in ay tahay sidii loola dagaalami lahaa isku filnaasho iyo wax soo saarka bulshada reer Somaliland iyadoo taasi badalkeeduna yahay in fursad lasiiyo haayadaha shaqada ku leh arimahani.

WAJAALNEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

WAJAALE STAFF;

COMMENTS
LINKS