Real Madrid Iyo Saxeexa Ugu Horeeya Oo Saxaafadu Shaacisay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Real Madrid Iyo Saxeexa Ugu Horeeya Oo Saxaafadu Shaacisay.
November 29, 2018 - Written by Editor:

Hargaysa(W,N) Kooxda kuba cagta ee dalka spain ee difaacanysa champion league ee bilihii ugu danbeeyey iska il darnayd oo ku jirta wakhti adag tan iyo markii ay ka tageen macalinkoodii zidane iyo weerar yahankoodii Rolando.

Ayaa Wargeyska kasoo baxa dalka Spain gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Madrid Uu daaha ka qaaday saxeexa ugu horreeya ee ay kooxda Real Madrid samayn doonto suuqyada soo socda.

CIYAARTOY 2

Sida uu ku warramayo wargeysku, Da’yarka cajiibka ah ee kooxda Manchester City ee Brahim Diaz ayaa noqon doona saxeexa ugu horreeya ee Los Blancos xilli uu heshiiska da’yarkani kula joogo kooxda Premier League uu ku eegyahay xagaaga dambe isla markaana isagoo go’aan ku gaadhay in aanu heshiiska u cusboonaysiin Sky bBues.

CIYARTOY 1

City ayaa isku day ku samaysay inay Brahim ku qanciso inuu qandaraas cusub u saxeexo kooxda balse waxa ka go’an inuu iskaga dhaqaaqo taas oo ah mid albaabka u furaysa in Real ay laga bilaabo 1-da January kala hadasho fursada uu kooxdooda ugu soo dhaqaaqayo marka heshiiskiisu dhaco.

Diaz ayaa haddiiba uu diido inuu kordhiyo heshiiska uu kula joogo kooxda Pep Guardiola u dhaqaaqi doona Madrid suuqa xagaaga walow aan meesha laga saarin in ay labada kooxood kawada xaajoodaan suurogalnimada uu da’yarkani Real ku aadi karo January iyadoo qiimaha mid hoose laga dhigayo.

Brahim ayaa Man City ku biiray sanadkii 2014 isaga oo ka yimid akaademiyada kooxda Malaga ee dalka Spain isagoo 14 sano jira isla markaana ku sigtay in uu wakhtigaa ku biiro kooxda Barcelona ka hor heshiiska Man City.

Diyaariye; Maxamed Cali Sheikh.

COMMENTS
LINKS