Maxaad Kala Socotaa Sida Ay Kooxuhu U Heli Doonaan Dhaqaalaha Koobka UEFA Champions League?. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaad Kala Socotaa Sida Ay Kooxuhu U Heli Doonaan Dhaqaalaha Koobka UEFA Champions League?.
November 29, 2018 - Written by Editor:

Koobka Horyaalada yurub ayaa wax laga bedalay sidii hore ee kooxuhu ay u kala heli jireen dhaqaalaha uu xidhiidhka UEFA siin jiray kooxaha ka qayb galaya tartanka ayaa faah-faahin laga bixiyey qiimaha lacageed ee ay koox waliba ka heli doonto tartanka.

CITY

Xidhiidhka qaaradda yurub ee UEFA ayaa sare u qaaday lacagaha ay heli doonaan kooxaha ka qeyb galaya tartanka marka lala barbardhigo fasal ciyaareedkii lasoo dhaafay, waxaana sanadkaan fursad fiican heli doona kooxaha u gudba wareega bug-baxda kuwaas oo heli kara lacago badan.

Marka laga hadlo bilowga waxey koox walba heli doontaa 15.25 Malyan oo Yuuro, lacagahaas waxaa ku kordhi doona 2.7 Malyan oo Yuuro oo guulo ah iyo 0.9 Malyan oo lagu heli doono barbaraha.

Sidaas darteed kooxdii hesha 6-guulood oo tartanka yurub ah waxey ka dhigan tahay iney jeebka ku shuban doonto 16.2 Malyan oo Yuuro.

Shaxda iyo sida lacagaha loogu helo:

Hadii kooxda usoo baxdo wareega 16-ka waxey heli doontaa 9.5 Malyan oo Yuuro.

Hadii kooxda usoo baxdo Quarter Final-ka waxey heli doontaa 10.5 Malyan oo Yuuro.

Hadii kooxda usoo baxdo Semi Final-ka waxey heli doontaa 12 Malyan oo Yuuro.

Hadii kooxda usoo baxdo Final-ka waxey heli doontaa 15 Malyan oo Yuuro.

Hadii ay ku guuleysatana waxey heli doontaa 4 Malyan oo Yuuro dheeraad ah.

Marka laga hadlo fasalkii hore koox walba oo ka qeyb galeysay waxey heshay 12.7, sidaas darteed waxaa sanadkaan jira koror (2.55 Malyan ah), sidoo kale guusha waxaa lagu helayay 1.5 Malyan, waxaa lagu kordhiyay 1.2 Malyan, halka barbaraha lagu helayay sanadkii hore 0.5 Malyan, waxaana lagu daray (0.4 Malyan).

Ugu dambeyntiina kooxda ku guuleysata tartanka waxey jeebka ku shuban doontaa 4 Malyan oo Yuuro lacag ka badan sanadkii hore.

Diyaariye Maxamed Cali Sheekh.

COMMENTS
LINKS