WAJAALE NEWS

Haddii Aynu Noqonay Ilmihii Yaraa(small baby)Ee Imaaraadka,Maxaa, Sadbursiga Diblumaasiyadeed Iyo Dhaqaale Lagaa Helay?Prof Cabdi Cali.

Mr. Xaqal Qalam Waabu Ku Sii Dallacay!!!

Aan dekaddaadii qaato, maqalka lacagtana la wareego, anigoon taako ku kordhin; Taa anigoo dib u dhigay inta wax ii kala caddanayaan, saldhigii aniga ii darnaa isaga aan boobsiiyo!!

Dhinaca kale, aan isku helo in labdiinaba (Somalia iyo Somaliland) aan saaxiib la ahaado; Ethiopiana aan idiin dhexeeyo oo xataa anigu share-ka dekadda Berbera aan siiyo; haddana yaan ka hadhin dekadii Djibouti ; tii Eriteryana aan dhinaca kale iyadana ka diyaarsado; aan kuugu daree Djibouti waxay diyaar la tahay in ay lacagtoodii u celiso oo waliba magdhaw la socdo!!! Ma se ogola.

Candhoba waa xubine, talow ilmahooda yar may u fulin maalin uun bushaaradii fiisaha lagu dhufanayay baasaaboorkeena Somaliland?; Faan waynaa, saw isa seegi maayaan walaaleheena Koonfureed?

Ugu danbayntii, waynu iska ogollahay wax kasta’e; talow may innaga ogolaan dib u eegis heshiis, si aynu uga saarno mad-madowga badan ee Xaqal Qalamka laygu liqsiiyay; Weger!!; waabu ku sii dallacay Mr, Xaqal Qalam!!!

Waar may inaga kala daayaan waxan oo goolal ah oo ay innaga gaadhsiiyeen, weerarka, difaaca iyo gooliguba way iga jilicsan yihiine; saw tii la lahaa nimanku waa Islaam!!;

Haddaba in badan baa qaar idinka mid ahi ku doodeen Politics-ku saaxiibnimo ma leh; anna waxan idin odhan jiray, waar waa Diplomacy-ga ta aan naxariista lahayni; Politics is for your people, but Diplomacy is for foreigns; Ayaan darro se, saaxiibada iyo sokeeyaha ayaa isku isticmaala waddankeena!!!! Eeda aan dhakada ka saaro Af-soomaliga, maxaa yeelay labaduba waa Siyaasad afkeena!!

Waar gudahana aynu midayno oo isu soo dhawayno dadkeena, Diplomacy-ga na aynu ka dayno sokeeyaha oo aan ku isticmaalo shisheeyaha, halkaasaa looga baahan yahaye!!!

QALINKII; Prof Cabdi Cali Jaamac ; U dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga.

Exit mobile version