Caqliga Soomaalidu Waa Dadka Intay Tiin Beertan Ka Rajaynaya Inuu Timir U dhallo!W/Q; Barkhad-ladiif. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Caqliga Soomaalidu Waa Dadka Intay Tiin Beertan Ka Rajaynaya Inuu Timir U dhallo!W/Q; Barkhad-ladiif.
November 29, 2018 - Written by Editor:

Soomaalidii ugu horeysay ee wax baratay waxay ahaayeen kuwii xoolaha lagaga quustay oo qoysku marka ninku dayaco xoolaha iyo danta reerka ayaa magaalada loo soo diri jirey oo la odhan jirey kaasi isguulka inaga geeya ha inagaga mashquulee , wakhtigii dambana ninka saaqiday ama danlaawaha ah ayaa siyaasadda la galin jirey oo xildhibaan ama wasiir noqon jirey, walina waa sidii.

Marka bulsho dadkoodii caynkaasi ahaa hal door u yihiin oo labeentii bulshada yihiin ayaa hadana raba horumar iyo inay caalamka la jaan qaadaan, inta dadkii noocaas ahi madax idin yihiin, inta kii tuuga ahaa is hormarinaysaan, inta kii danaysiga yaqaan iska horeysiinaysaan inta wadaadkii diinta ku gabanayey sheekh idin yahay waligiin godkaasi uun baan ka calaacalaynaa.

Hadayna intaasi jirin soodigan idinkoo soo jeedda tuugii xildhibaan u dooranaya, munaafiqii wasiir ka dhiganaya, soomaalidu waa dadka kaliya ee intay Tiin beertaan timir ka rajaynaya inuu u noqdo.

hore buu abwaan Timo cade u yidhi ” dadkan aan la hadlayaa lahayn dux iyo iimaan dhego uma talaalaan waa dix dhagaxeede

QALINKII; BARKHAD-LADIIF CUMAR.

COMMENTS
LINKS