DAAWO; Sheekh Adam-siira Oo Si Adag Uga Hadlay Xaqiiqada Dhulka La Sheegay In Madaxtooyo Cusub Laga Dhisayo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; Sheekh Adam-siira Oo Si Adag Uga Hadlay Xaqiiqada Dhulka La Sheegay In Madaxtooyo Cusub Laga Dhisayo.
November 30, 2018 - Written by Editor:

“Nin Sharci Ku fadhiya Oo Madaxwayne ah, Nin Waraaqo Sita Sharciya Oo Nin Wayn ah  Oo Afar Maxkamadood U Xukumeen In Uu Yidhaahdo Xoog Baan Ku Qaadanayaa Oo Madaxtooyaan ka Dhisayaa Wax La Aqbali Karo Maaha”Sheekh Aadansiiro.

HARGAYSA(W,N) Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadansiiro) ookamida culimada waawayn ee dalka islamarkaana sida xogogaalka ah uga hadla arimaha ka taagan dalka iyo hadba waxa kusoo kordha

Sheikh Aadansiiro ayaa khubadii jimcaha kaga hadlay waxyaabaha ay diinta islaamku ubanaysay Dadka muslimiinta ah iyo sida aan qofwalba usheegan Karin wax aanu lahayn,

Dhanka sheikh Aadansiiro ayaa Sharci daro ku tilaamay iyo wax laga xumaado  in qof wayn oo sideetan jir ah hantidiisii xoog lagaga qaato iyadoo awood dawladeed loo adeegsanayo, diinta islaamkuna aanay banynan in qofka xoog lagaga qaato hantidiisa in aanay ahayn wax la aqbali karo.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS