Sadio Mane Oo Sheegay Magacii Loogu Yeedhi Jiray Yaraantiisii. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sadio Mane Oo Sheegay Magacii Loogu Yeedhi Jiray Yaraantiisii.
November 30, 2018 - Written by Editor:

Weeraryahanka u dhashay wadanka  Senegal una ciyaara kooxda Liverpool Sadio Mane kaas oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican wakhtigaan Africa ayaa banaanka soo dhigay magaca loogu yeeri jiray wakhtigii uu ku ciyaari jiray xaafadiisa, waxaana loogu magac daray halyeey reer Brazil Ah.

ciyaartoyga nane

Sadio Mane wuxuu sheegay inuu yaraantiisii lahaa xirfadda Ronaldinho isla markaana qof walba uu ugu yeeri jiray magacaas, waana magac dadka ka fog xaafadiisa ku qasbi jiray iney usoo daawasho tagaan.

“Waxaan ahaa mid aad looga yaqaano xaafadiisa, sababtoo ah qof walba wuxuu ii sheegi jiray inaan si fiican u ciyaarayo, sida Ronaldinho, xitaa mararka qaar waxey iigu yeedhi jireen Ronaldinho” ayuu yidhi Sadio oo la hadlayay Soccer Bible.

“Dadka waxey ka iman jireen xaafadaha noo dhaw si ay ii arkaan, sababtoo ah waxey maqleen magaceyga weyna la yaabi jireen sida ay dadka ii hadal hayaan”

“Sidoo kale waxaa la iiga daawasho iman jiray caasimada dalka ee DAKAR dadka ka imaanaya Dakar  ugu dambeyntii waxaan tagay caasimadda waxaana arkay sida ay dadka iiga hadlayaan iyo sida ay isugu dayayaan iney i daawadaan si ay wax iiga ogaadaan, waxaan ahay”

Dhanka kale Sadio Mane wuxuu qiray in dadka saaxiibadii ah ayna ku fakarin inaan noqon doono ciyaartoy caan ah waayo saxiibaday kumay fikiri jirin inay noqdaan qaar xirfadleyaal ah oo kubada ku caan noqdaan, xaafadayada waxaa soo maray ciyaartoy fara badan balse midna muu noqon ciyaaryahan caan ah.

Diyaariye; Maxamed Cali Sheekh Cumar,

Hargaysa Somaliland

Wajaalenews Desk;

COMMENTS
LINKS