Dib Udhaca Doorashaddu: Cidna Faa’iiday U Tahay Cidna Khasaare!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dib Udhaca Doorashaddu: Cidna Faa’iiday U Tahay Cidna Khasaare!!
November 30, 2018 - Written by Editor:

Inkastoo Madaxweynuhu ballan qaaday wakhtigii ololaha in doorasho kasta wakhtigeeda ku qabanayo oo aanay dib dambe u dhici doonin doorasho muddo kordhin loo sameeya, nasiib daro hadda way dhacday inay dib u dhacdo, taasna waxa keenay muran iyo khilaaf xal loo waayey oo xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradku ku heshiin waayeen in guddida la kala diro iyo inaan la kala dirin.

barkhad ladiif

Hadaba, waxaynu is waydiinaynaa yey faa’iido u tahay inay doorashadu dib u dhacdo iyo cidda khasaare u tahay inay doorashaddu dib u dhacdo ??

  1. Dib dhaca doorashaddu waxay faa’iido u tahay xukuumadda, waayo doorashaddu waxay ka mushquulinaysa waxqabadkii ay doonayeen, waxa dhaqaaluhu kaga baxayaa arrimaha doorashada, marka in muddo la kordhiyaa waxay faa’iido ug jirtaa xukuumada. sida wada ogsoonahay doorashaddii dhowayd ayaan wali riiqdeedii wali ka soo kasban, sidoo kale waxay dareensan yihiin muddo xileedkoodu kaga dhamaanayso in doorasho la qabto, maadaama oo sanadkii hore dhaliil uga timid dadweynaha oo u arka in sanadkaasi tagay aanay xukuumadu waxba qaban, sidoo kale dhaqaalihii sanadka la ururinayey waxay dib u galaysaa doorashada haday amni tahay iyo haday hawlaha kale ee doorashadda tahay, doorashadii hore ee madaxtooyadu waxay faaruqisay Baankii hadii sanad ka dibna doorasho kale loo dareerana sidii hore oo kale dhaqaale daro ku dhacaysa, marka dib dhac kasta oo yimaada xukuumada waa u faa’iido.
  2. Waxa kale oo faa’iido ugu jirta xukuumada joogitaanka golaha hadda joogo, waayo waxay haystaan shirgudoonka iyo baddi xildhibaanaddii golaha, hadhow waxa dhici doona war looma hayo, sidaas darteed inay golahani iska sii joogo waa u dan xukuumadda.
  3. Shacabka waa u faa’iido marka doorashooyinka la galayo waxa is taaqa dhaqdhaqaqa suuqa wax kala iibsiguna wuu istaagaa, waxaana dadka soo wajahay busaarad xun, sidaas darteed shacabka faa’iido uguma jirto in doorashooyin isku xigxiga la qabto.
  4. Dadka hanka leh ee xildhibaan doonaya ee imika wax ka qabyo yihiina waa u dan inay doorashadu dib u dhacdo.

Yey khasaare ku tahay dib u dhaca doorasahda

  1. Xisbiyada mucaaradka khasaare ayey ku tahay dib u dhaca doorashada, waayo waxay doonayaan sidii xukuumada ula xisaabtami lahaayeen, sidaas darteed hadii xildhibaanada soo baxaya caqlabiyad ku soo baxaan waxay shirgudoominayaan goleyaasha wakiilada iyo deegaankaba.
  2. Siyaasiyiintii kharashka badan kaga baxay ee laba sanadood in ka badan sugayey in mar uun doorasho la qabto si ay uga qaybgalaan doorashooyinka ee lacagtu ku socotay ee nin waliba inaadeerkii iska ilaalinayey si aanu cidhiidhi u galin ee ay ku kalifta inuu cuqaasha rerkooda masruufaa hadii mar kale dib udhacdo jaaniskii uu markii hore haystay wuu ka lumayaa oo waxa ku soo baxay qof kale oo dardar cusub leh dhaqaalana leh, sidaas darteed iyagana khasaare ku jiraan.
  3. Khasaaraha ugu weyna waxay soo gaadhaysa wadankii oo dalalkii taageeri jirey dimuqradiyada Somaliland waxay kala noqonayaan kalsoonidii, waxaanay u jarayaaan xidhiidhkiii Somaliland la lahaayeen, taasina waxay dhulka jiidaysa sumcadii Somaliland, iyadoo u arkaya in madaxweyne kasta aanu dhaamayn kii ka horeeyey oo mid walba muddo kordhin doonayo, waxaanay keenaysa in dhaqaalihii ay Somaliland ku bixin jireen ay joojiyaan oo inagu ciqaabaan muddo kordhintaaasi.

Dhaqankaasi looga bartay Somaliland ee muddo kordhintu waxa uu dhaawac weyn ku yahay hayaankii Somaliland ku doonaysay in lagu ictiraafto ama u qalanto inay dal la aqoonsato tahay, waayo madaxweyne kasta oo Somaliland soo maray waxa uu caan ku ahaa in doorashooyinka aan wakhtigeedii lagu qaban.

Guntii iyo gabo gabadii mustaqbalka Somaliland iyo dimuqraadiyadeedii waxay ku xidhan tahay xalka uu hadba madaxweynuhu joogo la yimaado iyo is dul dhiga iyo tanaasulka uu madaxweynuhu sameeyo, sidaas awgeed madaxweyne Biixi waxa laga sugaya inuu soo dadajiyo wakhtigii doorashadani qabsoomi lahayd oo aanay caalamka ka galin go’doon siyaasadeed.

QALINKII; BARKHAD-LADIIF MAXAMED CUMAR.

COMMENTS
LINKS