Muddo Kordhin Maaraheedii Waa La Helay! W/Q: C/raxmaan Caydiid. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muddo Kordhin Maaraheedii Waa La Helay! W/Q: C/raxmaan Caydiid.
December 1, 2018 - Written by Editor:

ASC. Salaan Warbaahinta madaxa bannaan iyo  dhammaan dadweynaha sharafta leh ee laga yaabo inay arkaan ama akhriyaan qoraalkan.

Muddo kordhin (Extension) loo sameeyo hay’ad ama maamul hoggaamineed wax lala yaabo maaha ee waa arin dhacda, haddii duruufo sababaan. Tan imika Commission-ka doorashooyinku sheegeen ee dib-u-dhaca doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaankuna, kusoo boodo maaha ee waa la filayay. Laakiin haddana markaad eegto dib-u-dhacyada iyo kordhinaha isasoo daba yaalay,  dee quruumaha dunida ayaa runtii inala yaabaya. Dadkuna way ka daaleen muddo kordhin aan xadba lahayn. Ogow, waa xiisaha nolosha in isbedel kolba yimaado. Tusaale ahaan haddaad maalin walba Bariis uun cunto, marka dambe xiisaha (appetite-ka) ayaa kaa halaabaya.

Abdirahman Aideed

Markaa anigu talo aan beri horena sheegay, oo aan layga hoos qaadin, ayaan kusoo celinayaa.  Taladaasi waxa weeye, in haya’daha Qaranka ee maydhmay, dib loo maydhaamo, tusaale ahaan:

GOLAHA WAKIILADA, (PARTLIMAINT):

si xeegana xeego u noqoto, ilakana u nabad galaan. Xubnaha golaha wakiilada wixii shan sano ka badan ee meesha fadhiyay kuraasta ha banneeyaan, haddii aanay tegayna, kitaabka sharciga ha loo baadho, Madaweynuhuna ha ku dhiirado, Maxkammaduna ha saxeexdo.

Su’aashu markaa waxa weeye, oo yaa bedelaya? Waxaa bedelaya, gole ku meel gaadh ah (Transitioning Parliament), kuwaas oo inagu simaya Gole lasoo doorto. Su’aasha kale waxa weeye Golahaas ku meelgaadhka ahi (The Transitioning Parliament) side buu ku samaysmayaa?. Waxay ku samaysmayaan nin walba oo hadda fadhiya waxa bedelaya musharixii xagga liiska kala-horaynta kusoo xigay xilligii doorashada. Kuwaasi saw sharci maaha? Saw lama soo dooran oo cod dadweyne ma haystaan? Dee aniga wayla tahay inay sharci yihiin cod dadweynana wataan oo ay metelaan dadka. Bal qabsoo imikaba, kii shaqo taga ama xil  kale loo magacaabo, ama tiisuba gasho, kii ku xigay uun baa bedela, saw maaha? Dee haa idheh. Markaa sidaas ayay sharci ku yihiin ee ogow. Haddaan, soo ururiyona waxa weeye, halka imika midka geeriyi haleesho, ama Xil wasiir loo magacaabo uun la bedelo, ayuunbaa hal mar tirobadani oo Xildhibaano ahi is bedelayaan. Waxa kale oo halkaa ku jirta xildhibaano liiskii UDUB ku jiray baa soo gelaya, kuwaana waxa loo banaynayaa (ogolaanayaa) inay Xisbiga ay doonaan ku biiraan, sida imikaba la yeelo markay Ururo xubno deegaan helay Xisbinimo u gudbi waayaan. Wax waliba waa suuragal (nothing cut in stone), maskaxda halaga shaqaysiiyo (be innovative to achieve major national vision).

HABKAN FAA’IIDOYIN BADAN BAA INOOGU JIRA. Oo Maxaa Ka Mid Ah?:

Waa midda koowaade, weji gabaxa bulshada caalamka ayaa lagaga gabban karaa (face saving – Xifdul-maa’ul-Wajhi), ilayn kumeel gaadh baad keentaye oo rasmi maahee, kuwii meesha ku raagay ee lala yaabanaana waadigan yar xaliyay, ee calal-aqal madaxa yara dhaqdhaqaajiyay. Oo macnaheedu yahay hab-kala-guur baa socda (transitioning process), waana luuqad diplomacy ah oo ay fahmi karayaan. Midda labaad, waqti kooban oo Labo Sano ah ayay xilka haynayaan, wax ka badan hayn maayaan, go’aanka Maxkamadda ayaa sidaa lagu caddaynayaa. xilkooduna waa wixii qabyooyin ah ee maanta taagan in ay dhamays tiraan. Middda saddexaad, waa degdeg oo dee waa loo yeedhayaa uun (cost effective). Golaha sii baxaya waxaa lagasoo reebayaa wixii shantii sano ee u dambeeyay bedel kusoo galay, si loo ilaaliyo in aan xogoggaalnimada Goluhu u lumin (Institutional Memory). Sidaa haddii la yeelo, golaha dhiig cusub baa kusoo kordhaya oo dardar qaba, oo wixii qabyo ah inaga riixa.

GOLAHA DEEGAANKA;

Qolodan iyaga waxaan idhaa garan maayo. Hayska fadhiyaan baan odhan lahaa, oo labo sano iyagana ha loo kordhiyo. Xaaladooda (political status) ha la bedelo oo ha laga dhigo gole deegaan ku meel gaadh ah, oo laba sano ah, kaas oo qorshe cayiman fulinaya (Transitional local council with transitional development plan).

GUDDIGA DOORASHOOYINKA:

Guddiga doorashooyinka iyaga waqtigoodaaba iska dhacaya oo kooban, malaha sanadba ma gaadho waxa u hadhay. Iyaguna, sanadkaa wax ka dhiman yihiin hayska sii shaqeeyaan, barnaamij hawleed cad oo xisbiyadu la ogyihiin oo ah diyaarinta doorashooyinka ha lagu jiheeyo. Xilliga waqtigoodu dhaco uun Commission cusub ha la soo magacaabo. Iyadoo tirada la kordhinayo, si laysugu miisaamo is-mariwaaga halkaas ku jira ee maanta taagan. In tirada sagaalka ah ee lasoo jeediyay ha laga dhigo, aniga sax bay iila muuqataa. Xisbiyadu Lix hasoo magacaabaan (3×2 = 6), halna M/weynuhu ha soo magacaabo, labana Guurtidu ha soo magacawdo. Sagaalkii sidaasay ku dhanyihiin. Kuwa imika jooga iyaga dib waa loo soo magacaabi karaa ha la yidhaahdo, waa hadii ay cidi la hayso ama caashaqsantahay. Sidaasi, caddaaladda way u dhawdahay, haddii Ilaahay idinku anfaco.

GOLAHA GUURTIDA;

Golahan Guurtida, waxaan u arkaa in ay u baahanyihiin in doorkooda dib loo eego (Mandate Review). Sabatoo ah arimaha Nabadda oo berigii hore ay hoggaanka hayn jireen,  imika waa lala wadaagaa, marmarka qaarna waaba looga faradhuudhuubanyahay. Sidoo kale arimaha diinta, iyada lafteeda Gole Qaran oo Culimo ah ayaa la sameeyay, halkaana doorkoodii hore ee xagga arimaha diinta isbedel baa ku yimi. Sidaas darteed sharciga lagu dooranayo in la dhamaystiro ayaa aad loogu baahanyahay, isla markaa shaqadoodana dib loo eego (wax-ku-daris iyo ka-dhimisba).  Aniga waxay dantu igula jirtaa, in doorkooda wax weyn laga bedelo, oo metelan laga saaro in ay siyaasad ku lug yeeshaan oo Xisbiyo galaan, taas bedelkeeda noqdaan gole u taagan wax yaabo qiimayaal sare Somaliland iyo Qaranka ugu fadhiya, sida nabadda, dhaqanka, shuruucda qaybo ka mid ah iwm.

GEBAGEBO

Waxaan rajaynayaa in hoggaanka ummadda ee hay’adaha hogaamineed ee kala duwan hor fadhiyaa ay fahmaan in isbedelku yahay sunnaha nolosha, banii’aadamkuna aanu ka hor iman karin. Maxaa yeelay noloshu jiho qura ayay u socotaa, meel bay kasoo bilaabantay maalin baanay dhamaanaysaa. Sidaas darteed, halaga koro fahanka ah, wixii jiray inay lama taabtaan noqdaan iyo sharci hebel bay sidaasi ku qorantahay. Taasi nidaamka maamul iyo hoggaamineed ee casriga ah kuma jirto. Sida, wax waliba isubedelaan, cimrigaanana ku daroo, ayaa  ay tahay in qaabdhismeedka haya’adahana wax laga bedli karo, haddii duruufuhu is bedelaan, amaba muddo-xileedkooda lasoo gaabin karo, haddii loo arko ujeedooyinkii ay u jireen in aanay gudan karayn, sababo soo kordhay dartood.

Markaynu leenahay, Golha fadhiya, kuwii lala doortay (liiska kaydka), ee imikaba buuxiya markuu kursi banaanaado, ha lagu dayo hawsha, ha ka fikirin Sharciga kuma qorna. Waa run xarfiyan (literaly) uguma qorna, laakiin nuxur ahaan (conecptually) waa sax, waayo imikaba iyadoo tafaariiq ah ayay dhacdaa, iyadoo yara weyn oo jumlad ah ayuun baa la degayaa. Alla fududaa haddaad garataan.

Ugu dambayn, qofkastoo masuuliyad hayaw Alle wuu kaala xisaabtami masuuuliyaddaas ee cabsida Eebe ogow, danta guud oo keliya ha ku hoggaamiso, sharcigana yaynaan gacanta ku qaadan.

Wallaahu Aclam

W/Q: C/raxmaan Caydiid

abdiaideed11@gmail.com

 

December 01, 2018

COMMENTS
LINKS