Madaxweynayaasha Ama Madaxda Aduunka Iyo Sida Ay Kula Shacbiyad Badan Yihiin!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynayaasha Ama Madaxda Aduunka Iyo Sida Ay Kula Shacbiyad Badan Yihiin!!
December 1, 2018 - Written by Editor:

Madaxwaynayaasha aduunyadu way kala shacbiyad iyo taageero dadweyne badan yihiin, taageeradaasi sadex sifo mid ayuun bay noqotaa;

▪Madaxwayne kalitaliye ah oo dadka xoog, baqdin iyo dhaqaale loogu soo saaro dariiqyada iyo goobaha uu ka hadlayo lagu soo ururiyo si aduunyada iyo mucaaradkiisa loo tuso in uu haysto taageerada dadkiisa iyo dalkiisa.

▪Madaxwayne taariikhda umada dalkaa ku nool ku suntan oo quluubtooda ku jira yar iyo waynba oo jacayl iyo hilow aragiisa loo qabo meel la kala istaago la waayo maalinta uu meel u baxo ama meel fagaare ah ka hadlayo.

▪Iyo Madaxweyne markaa uu talada hayo kasbada quluubta dadkiisa oo guri kasta laga dareemo waxa uu dalka iyo dadka ku soo kordhiyay, oo ay dadku iskood ugu soo baxaan kuna soo dhaweeyaan caleemo qoyan iyo quluub furan oo meelaha uu marayo iyo goobaha uu ka hadlayo dadka uu dareen keeno ay dareemeen waxa uu soo kordhiyay.

Soo dhaweynta madaxda Jamhuuriyada Somaliland sadexdaa mid ka ay tahay shacbigaa ka jawaabi doona, hase yeeshee kolay dhaqaale kuma yara lagu soo dhaweeyo madaxweynaha iyo madaxda qaranka oo meel muhiima umada u buuxin lahaa, mudnaanta raaligalintana dadweynahaa leh, hadii si wanaagsan loogu maamulo dhaqaalohooga oo wax loogu qabto.

Aragtidayda

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

 

 

COMMENTS
LINKS