Real Madrid Oo Maraysa Xilli Ciyaareedkeedii Ugu Xumaa Horyaalka La Liga Ee Mudo 17 Sano Ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Real Madrid Oo Maraysa Xilli Ciyaareedkeedii Ugu Xumaa Horyaalka La Liga Ee Mudo 17 Sano Ah.
December 1, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Kooxda Real Madrid ayaa xilli ciyaareedkani u yahay mid madaw walow ay u muuqato mid toddobaadyadii ugu dambeeyay kor u kac samaynaysay haddana waxa ay si fiican uga soo kaban kari la’yihiin natiijooyinkii xuma ee horraantii xilli ciyaareedka ku habsaday.

real madrid

Horyaalka ayaan ugu bilaaban sidii dad badani filayay, Los Blancos ayaana leh 20 dhibcood kaddib 13 kulan oo ay ka ciyaartay horyaalka La Liga waxaana xaqiiqo ah in xilli ciyaareedkani yahay midkoodii ugu xuma ee mudo 17 sano gudaheed ah soo mara.

Kooxda Solari ayaa haatan fadhida booska 6-aad, Toddobaadyadii ugu horreeyay ayaa ahaa kuwo ay amaan badan heleen balse guuldaro layaab leh oo toddobaadkii 6-aad kasoo gaadhay kooxda Sevilla, Intaa kaddib kooxda ayaa guuldarooyin is xiga kala kulantay Getafe, Girona, Leganés iyo Espanyol.

Intaa kaddib guuldaradii ugu cuslayd ayaa kasoo gaadhay cadawga ugu weyn ee ay ku leeyihiin kubadda cagta ee Barcelona Iyadoo Madrid albaabka ka saartay Lopetegui oo ay u arkayeen mid aan kooxda sii wadi karin.

Solari oo bedelay Lopetegui ayaa ku hoggaamiyay guulo ay ka heleen Real Valladolid iyo Celta Vigo walow tababaraha reer Argentina uu toddobaadkii hore guuldaradii ugu horreysay kasoo helay kooxda Eibar.

Si kastaba ha ahaatee, Xilli Ciyaareedkan ayaa xasuus u ah midkii 2001/02 markaas oo ay Los Blancos 13-ka kulan ee ugu horreeyay ku heleen 19 dhibcood isla markaana ay booska 7-aad kaga jireen miiska kala sarreynta La Liga xiligan oo kale.

DIYAARIYE; MAXAMED CALI SHEEKH CUMAR

HARGAYSA

WAJAALENEWS DESK

 

COMMENTS
LINKS