Cristiano Ronaldo Oo Jabiyey Rikoodh 60 Sannadood U Yaallay Juventus. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cristiano Ronaldo Oo Jabiyey Rikoodh 60 Sannadood U Yaallay Juventus.
December 2, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Laacibka Xulka Qaranka Portugal ee u ciyaara kooxda dalka Talyaaniga  Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa Sabtidii si buuxda ugu biiray taariikhda halyeeyada Juventus kaddib markii uu dhaliyey goolkiisii 10aad ee horyaalka Serie A.

RISTIANO R

Cristiano Ronaldo ayaa shabaqa Fiorentina dhex dhigay kubbad rikoodhe ahayd oo loo dhigay, ciyaar ku dhamaatay 3-0 oo Juventus ka caawisay inay sii waddo guulaha xidhiidhka ah ee xili ciyaareedkan ay ka samaynayso horyaalka dalkaas, iyo dhamaan tartamada kale oo ay illaa hadda aan mar kaliya laga badinin.

Ciyaar yahanka Rodrigo Bentacur ayaa furay dhalinta goolasha qaybtii hore, waxaana mid labaad raaciyey ruug caddaaga difaaca ee Giorgio Chiellini ka hor intii aanu Ronaldo kusoo xidhin rikoodhe uu shabaqa dhex dhigay.

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyey goolkiisii 10-aad ee uu dhaliyo 14 kulan oo horyaalka Serie A ah oo uu ciyaaray, waxaana uu gaadhay rikoodh halyeygii John Charles uu u dhigay Juventus xili ciyaareedkii 1957-58 oo toban gool dhaliyey 14-kii ciyaarood ee ugu horreeyey horyaalka.

Si kastaba ha ahaatee, Juventus ayaa hoggaanka ku qabatay 11 dhibcood oo ay ka sarrayso Napoli oo kusoo xigta.

COMMENTS
LINKS