Gabadh Damacday Inay Madoobayso Timaheeda Oo Nolosheedu Halis Gashay ! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gabadh Damacday Inay Madoobayso Timaheeda Oo Nolosheedu Halis Gashay !
December 3, 2018 - Written by Editor:

Dad aad u tiro badan gaar ahaana haweenka ayaa waxay adeegsadaan waxyaabo badan oo lagu qurxiyo timaha waxaana ka mid ah dawada Madoobaysada, mana oga dadka isticmaala badankoodu dhibaatada caafimaad ee ay leedahay waana sababta dhalisay in gabadh magaceeda la yidhaahdo Esttela da’deeduna tahay 19 jir una dhalatay Dalka France in markii ay Marsatay Dawo madoobayso ah uu madaxu aad u bararay isla markaana ay halis gashay nolosheedu.

gabadh halis gashay

Sida lagu baahiyay Wargeyska Le Periein ee ka soo baxa dalkaasi France oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay ayaa sheegay in Gabadh dawadaasi madoobaysada ah marsatay uu diiday jidhkeeda isla markaana waxa la xaqiijiyay in dawadaasi ay xasaasiyad ku leedahay, gabadhan ayaa dawada u iibsatay si ay ugu qurxiso timaheeda waxaanay ku waayi gaadhay nolosheeda.

Esttela oo dhibaatada soo gaadhay ka hadlaysa ayaa waxay tidhi, “Waxaan sameeyay arrin doqoniimo ah, waxaanan dadka u sheegayaa in aanay samayn sida aan sameeyay”.

Dhibaatada soo gaadhay gabadhaasi ayaa waxay tusaale u tahay halista ay leeyihiin waxyaabaha loo adeegsado is qurxinta gaar ahaana kuwa maan guuriya midabka timaha.

 

COMMENTS
LINKS