Sababta Looga Waayey Mesut Ozil Kursiga Keydka Kulankii Derbiga Ahaa Ee Tottenham!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sababta Looga Waayey Mesut Ozil Kursiga Keydka Kulankii Derbiga Ahaa Ee Tottenham!!
December 3, 2018 - Written by Editor:

Laacibka weyn ee u dhashay dalka jarmalka ee mesut Ozil ayaa laga reebay safka hore Arsenal ama 11ka ciyaaryahan ee lagu bilaabay ciyaarta iyadoo sidoo kale xataa laga waayey liiska kaydka ee ciyaaryahanada bedalka ku soo galaan ciyaartii ay arsenal kula ciyaartay Tottenham gurigeeda Emirates.

osil

Kubbad qaabeeyaha reer Germany ayaa keydka lagu cabay ciyaartii ay Gunners usbuucii tagay u safartay Bournemouth, iyadoo uuna macalinka sheegay inuu sababo farsamo keydka ugu daayey taa oo shaki galisay mustaqbalka Ozil ee Arsenal.

Si kastaba ha ahaatee  laacibka ayaa la sheegayaa in sababo dhaawac dhabarka dartii looga soo tagay kulankii dhex maraya Gunners iyo Spurs.

Ugu danbayn waxaa wararkaas oo dhan cadeeyey oo saxaafada u sheegay macalinka kooxda laylaya Emery oo sheegay in Ozil uu xanuun dhabarka ah awgii uu looga yimid balse ayna jirin wax kale, isagoo sidoo kale sheegay in dhaawacani aanu ahayn maanta oo kaliya ayuu yidhi mar uu la hadlayey Sky sports ciyaarta ka hor waa kulankii Tottenham iyo Arsenal.

Diyaariye:- Shiine Mataan.

COMMENTS
LINKS