WAJAALE NEWS
Damaca Dal-Fidsiga Itoobiya Iyo Damanaanta Soomaalida. Falanqeyn!W/Q: Cali Cabdi Coomay.
December 3, 2018 - Written by Editor:

May ahayn wax lala yaabo hadalkii dhawaan uu jeediyey taliye ku xigeenka ciidanka difaaca Itoobiya oo ahaa in dalka Itoobiya yahay wadan weyn islamarkaana leh ciidamada ugu xooga badan Afrika, sidaas darteedna Ra’isal wasaare Abiy waxaa uu keeney qorshe lagu dhiso ciidamada Badda dalkaan. ” Anagoo og in dalka Itoobiya aanu laheyn Badd, laakiin waxaan aad ugu dhownahay baddda Cas iyo Badweynta Hindiya. Hadda waxaan markhaati ka nahay in dalal badan muujinayaan rabitaankooda inay ciidamo badeed ka dhisaan Somalia sida Jabuuti, Eritrea iyo Puntland, marka anaga maxaa diidaya anagoo 60KM u jirna badaha Soomaaliya.” Janaraal Burhanu wuxuu ugu dambayantii sheegay. “Hogaanka Raysalwasaare Abiya Axmed waxa uu leeyahay aragti fog oo ah in la dhiso ciidamo badeed oo xoog badan kuwasoo ku hubeysan qalabka casriga ah.”

Hasayeeshee damaca badd-doonka Itoobiya wuxuu ii xoogaystay markii uu maamuulkii Tigreegu ogolaaday in dalka Erateraya noqdo dal ka madaxbannaan Itoobiya inteed kale sannadkii 1993. Boqorradii Tigree ee Itoobiya xukumi jiray waxa ugu dambeeyey Boqor Teodoros oo sannadkii 1863-kii is-diley, waxaa xilkii kala wareegay Boqor Yohannes 4-aad oo dhintay sannadkii 1889. Geeridii Yohannes waxa ay soo afjartay boqortooyadii guunka ahayd ee (Axum Empire) ee soo taxnayd illaa qarnigii Caamul-fiil, wixii wakhtigaasi ka dambeeyey waxa la wareegay Boqor Mililik oo Axmaaro ahaa. Haddii aynu dib ugu noqono qoraalkeennii hore, waa taariikh soo jireen ah damaca ay Itoobiya ku doonayso dhul iyo xeeb ay Soomaalidu leedahay, marka la isku geeyo hadalkaa sare ee taliyaha iyo hadalkii ay hore u tidhi Kaaliyihii xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka ee Afrika Janday Frazer oo ahayd habar aaminsan diinta Restafeeriyaanka iyo inuu shaydaan Bob Marley yahay nebi madow ayaa tidhi” in Itoobiya oo boqol Miylan ahi ay badd la’aan noqoto, xeebihii Geeska Afrikana ay dadyow tiro yari haystaan macquul maaha”.

Wixii ka dambeeyey sannadkii 1869-kii ee la furay biyo-mareenka “ Suweys Kanal” waxa sii kordhay mihiimadda ay xeebaha Soomaalidu leeyihiin. Waxa taasi iyana dhinac socotay damaca Itoobiya ee helitaanka dhul iyo bad ay Soomaali leedahay. Markii ay reer Yurub qabsadeen Afrika ee ay Boqortooyadii Itoobiya ku hungowday in qaybsiga laga talogeliyo ayuu Boqor Mililik u qoray reer Yurub waraaq caan ahayd oo ku leeyahay “ haddii Yurub ay qaybsatay afrika aniguna noqon mayno daawade, gacmaha ka laabta”. Hanjabadaasi wuu kaga dhabeeyey waa kii qacdii horeba qabsaday Harar illaa Iimey oo Soomaalidu lahayd.

Maamuladii Boqortooyada Itoobiya ka soo talin jiray dhammaantood waxa ay ka sinaayeen in Soomaalidu ay ahaayeen kuwa ka tirsan Boqortooyadooda oo aanay weligood maamul yeelan. Buugga “Ethiopia’s Manifest Destiny” wuxuu ka faallooday sida Boqorradii iyo madaxdii ka dambaysay ee Itoobiya mid kasta taariikh gaar ah loogu xusuusan doono: Mililik waxa lagu xusuusan doonaa qabsashadii Harar iyo Dhiri-dhaba, Xaylse Salaase waxa lagu xusuusan doonaa qabsashadii Hawd iyo Reserve Area, Mingistu waxa lagu xusuusan doonaa diciifintii ciidankii Soomaaliya iyo Males Zanawi oo siyaasaddii Soomaaliya si buuxda gacanta ugu dhigay.

Wakhtigan aynu joognana Raysal wasaaraha cusub ee Abiya Axmed wuxuu wataa hinse qaab is-dhexgal ah ay Itoobiya si nabadgeliyo ah ay Soomaalida u liqdo. Hindisihiisa waxa saldhig u ah kelma af-gobaadsi ah “ waa in la iska iloobo colaadihii hore uga dhexayn jiray Itoobiyaanka iyo Soomaalida”. Waana siyaasaddii boqorrada oo qaab qabow loo dhigay. Markii uu ka soo laabtay safarkiisii koowaad ee Muqdisho ku tago wuxuu yidhi “ In labada ee Itoobiya iyo Soomaaliya ay isku noqonayaan hal dal oo leh hal madaxweyne. Wuxuu sheegay in xeebtaa dheere ee Soomaaliya aanu hal marab taagnayn”. Isna waynu eegi waxa ay taariikhda Itoobiya ku xusto. Damaca dal-doonista Boqorrada Itoobiya wuu sii kala darnaa, oo qaarkood way diidanaayeen gebi ahaanba jiritaanka dhulka Soomaalida geeska afrika.

Bal hadda hadalkan dhugo “Rennel Rodd oo ahaa sarkaal Ingiriisku u xilsaaray inuu Boqor Mililik la meel dhigo xuduudda kala qaybisa Xabshida iyo Soomaalida ayaa la yaabay damaca waalan ee Mililiku ku sheeganayo guud ahaan dhulka Soomaalidu degto. Rodd wuxuu Mililik ku yidhi “dhulka oo dhan haddii Xabashidu leedahay, dhulkee ayey Soomaalidu leedahay”?

Boqor Mililig wuxuu ku jawaabay Soomaalidu waxa ay lo’da u raacdaa xabashida, dhul ay gaar ahaan u leeyihiina ma jiro. “Somalis are cattle keepers of the Ethiopians; they had to pay their tribute of the cattle to their masters. And there is not a Muslim country, as everyone knows”. Wakhtiyadii ay socotay xornimadii ay dalalka qaarada afrika ka tirsani kaga xorroobayeen gumeystayaashii reer Yurub, ayuu Boqor Xayle Salaase booqasho ku tegay dalka Faransiiska sannadkii 1967-kii, waxaanu caasimada Baaris kula kulmay madaxweynihii wakhtigaasi ee De Gualle. Wuxuu kulankaasi kaga codsaday inuu Faransiisku sii haysto Jabuuti, isaga oo ka cabsi qabay inay dhalato dawlad shantii Soomaaliyeed ahi. Waxa kale oo uu kulankaasi ka sheegay in haddii uu Faransiisku ka kacayo Jabuuti uu iyaga ku wareejiyo, maadaama oo ay hore Itoobiya uga tirsanayd. Damaciisa ayaa beentaasi aaminsan. Kulankaasi ka dib magacii loo yaqaanay Jabuuti ee ahaa ‘French Somali Coast’ waxa loo beddelay ‘Afar and Issa Territory’. Boqor Xayle Salaase oo cabbiraya dareenkiisa Soomaalida oo xornimada qaadata ayaa laga hayey” Soomaali Xorowdaa waa dameer geeso yeeshay”.

Tan iyo xilligii Xayle Selaasi Boqorka ahaa, waxa Itoobiya doorbidaysay in ay Saylac dakad ka sameysato. Waxa mashruucaasi sii xoogaystay xilligii Mangistu Xayle Maryam oo daraasad ballaadhan oo ku aaddan dhinaca dhismaha, jidka Saylac iyo Dirdhabe iyo kharashka ku baxaya dhammaystiray. Arrinta Saylac waxa si farsamaysan wax uga qoray John Spencer oo la taliye u ahaa Xayle Selaasi. Xayle Selaasina Saylac xoog ayuu ku qabsan lahaa haddaan Musawac iyo Casab aanu heli lahayn 1940kii. Qoraal uu diyaariyey Faysal Cabdi Rooble. Mingeste Xayle Maryam oo Afgambiyey Xayle Salaase ayaa 1977-kii Gaboon ka yidhi shirkii Midowga Afrika Soomaaliya waa Qayb yar oo markii horaba ka fallaagowday Itoobiyada weyn waana ku soo darayaa.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@hotmail.com

Tixraacyo:

Hadimadii Gumeysiga……………….C/qadir Aroma ‘AHN’

Taangiga Tigreega…………………….C/qadir Aroma ‘AHN’

The Ethiopian Intervention………. Dr. C/weli Dahir Qorane

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews