Casharada Laga Baran Karo Heshiisyadii Laga Gaadhay Khilaafyadii Cakirnaa Ee U Dhaxeeyay Xisbiga Kulmiye Iyo Xukuumadii Madaxwayne Rayaale Ee Suurto Galiyay Qabsoomida Doorashooyinka!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Casharada Laga Baran Karo Heshiisyadii Laga Gaadhay Khilaafyadii Cakirnaa Ee U Dhaxeeyay Xisbiga Kulmiye Iyo Xukuumadii Madaxwayne Rayaale Ee Suurto Galiyay Qabsoomida Doorashooyinka!!
December 3, 2018 - Written by Editor:

Casharada Laga Baran Karo Heshiisyadii Laga Gaadhay Khilaafyadii Cakirnaa Ee U Dhaxeeyay Xisbiga Kulmiye Iyo Xukuumadii Madaxwayne Rayaale Ee Suurto Galiyay Qabsoomida Doorashooyinka!!

Dib u curashadeenii

Xeerkiyo dastuurkii

Dimuquraadi lagu qoray

Foodka loo dareeree

Doorashooyin lagu galay

Rag dabraayabaa jira

Xisbiyada docdoodii

Rag duleeyaybaa jira

Bahal daba qaloociyo

Dulin lagu abuuroo

Dil-dilaacshabaa jira

Maanso Daalacan :- Erayadii iyo Qalinkii Abwaan Sacad Gadhle.

Khilaafkii Ka Dhashay Ansixinta Komishankii Labaad ee Doorashooyinka S/land Iyo Sidii Lagu Xaliyay

Maalin ku beegan 2/6/2007 waxuu Madaxwayne Rayaale u soo gudbiyay Golaha wakiilada Xubnihii labaad ee Komishanka Doorashooyinka S/land yeelato,iyadoo taariikhdu ka marag kacaysa in fadhigii Golaha wakiilada S/land lagu Ansixiyey 5 xubnood oo ka mid ah Todobada Xubnood ee Komiishanka Doorashooyinka,halka Golaha Wakiiladu ay cod diidmo ah ku hor-joogsadeen 2 xubnood Golaha Guurtidu soo xuleen .

Xildhibaanada Golaha Wakiiladu Waxay Ansixiyeen Shann Xubnood  Oo Kala Ahaa  :-

  1. Maxamed Yuusuf Axmed,waxa ogolaaday 43 Mudane waxa diiday 1 Mudane, waxa ka aamusay 24 Mudane Gudoomiyuhuna muu codeyn sidaasaanu ku ansaxay.
  2. Maxamed Ismaaciil Maxamed [Kabaweyne], waxa ogolaaday 52 Mudane, cidi may diidin, waxaana ka aasmusay 14 Mudane sidaasaanu ku ansaxay.
  3. Jaamac Maxamed Cumar [Jaamac Sweden], Waxa ogolaaday 61 Mudane, cidi diiday ma jirto, waxaana ka aasmusay 5 Mudane, sidaasaanu ku ansaxay.
  4. Eng. Axmed Maxamed Xaaji, Waxa ogoladay 58 Mudane waxa diiday hal mudane, waxa ka aamusay 7 Xildhibaan, sidaasaanu ku ansaxay.
  5. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Waxa ogolaaday 54 Mudane, waxaa diiday 3, waxa ka aamusay 9 Mudane, sidaasaanu ku ansaxay.

Halka  Labada Xubnood Ee Komishanka Doorashooyinka Ee Waayay Kalsoonida Xildhibaanada  Golaha Wakiiladu Ay Kala Ahaayeen :-

1.Muuse Axmed Cumar [Muuse Madoobe] oo ay ogolaadeen 35 Mudane, waxa diiday 11 mudane, waxa ka aamusay 18 Mudane

  1. Maxamuud Cabdi Xaamud [Nine] waxa ogolaaday 36, waxa diiday 6 mudane waxaana ka aamusay 24 Mudane.

Ka dib,markii labadii xubnood ee Komishanka Doorashooyinka ee ay soo xuleen Golaha Guurtidu ay waayeen kalsoonida Xildhibaanada Golaha Wakiilada,waxaa ka dhashay khilaaf Cakiran oo u dhexeeyay Golayaasha Qaranka sida Golaha Guurtida iyo Xukuumada Madaxwayne Rayaale ee Xisbiga Udub ee talada haysay oo dhinac iyo Golaha Wakiilada + Xisbiyada Mucaaradka oo dhinac ah, balse khilaafkaa cakiran waxaa dhex-dhexaadin ka galay gudi isxil-qaamay oo Hal-doorka Bulshada S/land ka mida,waxaanu xalkii noqday in mar labaad la hor keeno Golaha Wakiilada labada xubnood ee Komishanka Doorashooyinka,balse waxay mar labaad waayeen kalsoonidii Xildhibaanada Golaha Wakiilada .

Mar kale,Xisbiga Kulmiye Waxuu Soo Jeediyay In dib loo dhigo Doorashada Golaha Deegaanada oo laga soo hormariyo Doorashada Madaxtooyada maalin ku beegan 9/6/2008 oo Madaxwayne Rayaale Aqbalay .

Halkan ka Akhri :-Heshiishka Sideeda Qodob ka koobnaa ee Sadexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinka kala Sexeexdeen ayaa u dhignaa sidan:-

udub iyo kulmiye

1: In dib loo dhigo Doorashada Golaha Deegaanada oo laga soo hormariyo Doorashada Madaxtooyada.

2: In Diiwaan gelinta la siiyo wakhti ku filan oo ah sababta dib loogu dhigay Doorashada Golaha Deegaanka.

3: In Komiishanka Qaranku soo diyaariyo wakhtiga Doorashada Madaxtooyada, Diiwaan gelinta kadib.

4:In Doorashada Madaxtooyadu ay ka soo hormarto 06/04/2009.

5: In Qodobada Xeerka Diiwaangelinta ee aan la jaanqaadi Karin Doorashada Madaxtooyada la laalo.

6: Haddii ay yimaadaan Duruufo lama filaan ah oo dib u dhigi kara qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada,waxa xaaladdaas wadajir uga go”aan qaadanaya Komishanka Doorashooyinka iyo Saddexda Xisbi Qaran,iyadoo Golaha Guurtidu ku  Ansixin doono wakhtiga ay isla gartaan oo aan waxba lagu darin.

7:In Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaridka ahi ay yeeshaan,isku xidhnaan iyo wada tashi joogto ah.

8: In Guddi Farsamo oo Saddexda Xisbi Qaran ka noqoto guddi Joogto ah,una xilsaaran kalsooni dhiska Xukuumadda Madaxwayne Rayaale iyo Xisbiyada wada shaqeyntood.

Wakiilada Sadexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinka waxaa u kala saxeexay Heshiiskii Sideeda Qodob:-

1:Xisbigii taladda hayey ee Udub waxaa u Sexeexay,Madaxwayne ku Xigeenkii hore ee S/land Md Axmed Yuusuf Yaasiin.

2:Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid waxaa u sexeexay Gudoomiyaha Eng Faysal Cali Waraabe.

3:Xisbiga Kulmiye waxaa u sexeexay Gudoomiye ku xigeedka kowaad Muuse Biixi Cabdi.

4:Gudida Doorashooyinka,waxaa u sexeexay Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka, Md Maxamed Isamaaciil Kaba-Wayne.

Waxaa xusid mudan in Madaxwayne Rayaale uu ka Aqbalay soo Jeedinta xisbiga Mucaaradka ahaa Ee Kulmiye.

Mar Kale,Waxuu Xisbiga Kulmiye Kalsoonida Kala Noqday Komishanka Doorashooyinka Sagaal Sanno Ka Hor Maalin Ku Beegan 02/08/2009 .

Halkan Ka Akhri:- Go”aanka XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARINTA SOMALILAND

(KULMIYE)

REF: XK/Gx1aad/0151/ 09

DATE: 02/08/2009

KU: GUDDIGA DOORASHOOYINKA QARANKA =HARGEYSA=

OG:SHIR-GUDDOONKA GOLAHA GUURTIDA =HARGEYSA=

OG:SHIR_GUDDOONKA GOLAHA WAKIILADA =HARGEYSA=

OG:XAFIISKA DEEQ-BIXIYEYAASHA =HARGEYSA=

UJEEDDO: GO’AAN XISBI .

Shir uu maanta yeeshay Xisbiga Kulmiye, wuxuu go’aan ku gaadhay go’aamada hoos ku qoran:

  1. In Xisbiga Kulmiye taageersan yahay natiijadii ka soo baxday Server-ka .
  2. Xisbiga Kulmiye inuu aad u diidan yahay go’aankii Komishanka Qaranku ku laalay liiskii cod-bixiyeyaasha ee ka soo baxay Server-ka.

3.Xisbiga Kulmiye wuxuu u arkaa in Komishinku uu ka baxay dhex-dhexaadnimadii, oo uu la saftay Xisbiga talada haya ee UDUB.

Xisbiga Kulmiye, wuxuu go’aamiyey inuu hakiyo wada shaqeyntii uu la lahaa Komishinka Doorashooyinka Qaranka, ilaa inta uu Komishinka Qaranku noqonayo mid dhexdhexaad ah oo soo celin kara kalsoonidii Xisbi.

WA BILAAHI TAWFIIQ

MD: MUUSE BIIXI CABDI

K/S.. GUDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE

AHNA GUD.KU-XIGEENKA 1aad.

Waxaase xusid mudan in kalsooni kala Noqoshadii komishanka Doorashooyinka ee Xisbiga Kulmiye ay ka dhalatay Heshiiskii Lixda Qodob ee beesha Caalamku keentay oo u dhignaa sidan maalin ku beegan 28/9/2009:-

  1. In Koomishanka Doorashooyinka la bedelo.
  2. In Seerfarka dib loogu noqdo,oo ay khubaro imanaysaa dhammaystiri doonto waxa ka dhiman.
  3. Wakhtiga ay doorashadu ku suurtoobayso,waxa ka wada tashanaya Komishanka Doorashooyinka iyo Khubarada imanaysa,waana go’aan ka fog Siyaasadda oo ah go’aan farsamo.
  4. In Wada Jir loo wada shaqeeyo.
  5. In Doorashoyinkan iyo kuwa dambe ee soo socda lagu galo Diiwaangelin.
  6. In Saddexda Xisbi soo saaraan go’aan wada jir ah,marka lagu heshiiyo qodoban, si loo amba-qaado hawshii doorashada.

Halkan Ka Akhri Halka Uu Ka Taagnaa Madaxwayne Muuse Biixi Muddo kordhintii koowaad ee Golaha Wakiilada u sameeyo Madaxwayne Siiraanyo.

08/09/2010 Shir lagu qabtay xarunta komishanka doorashooyinka qaranka oo lagu lafoguray qodobo dhowr ah, taas oo qodob qodob looga dooday, iyadoo la tirgelinayo duruufaha ku gadaaman xag kasta oo ah talo-bixin.

In saddexda xisbi qaran isku waafaqsan yihiin talo-bixintii komishanka doorashooyinka Qaranka u soo jeediyeen Madaxweynaha ee qoraalkii tixraaciisu ahaa .

KDQ/XK/150/2010.

  1. In Doorashada Golayaasha Degaanka iyo Wakiillada lagu qaban karo ugu danbayn December 2011.
  2. Waxa kale oo Komishanka doorashooyinka Qaranka iyo saddexda xisbi qaran isku raaceen in doorashada golaha Degaanka iyo Wakiillada hal mar la wada qabto.

KULMIYE: Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

 

UDUB: Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin.

UCID: Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka Eng: Ciise yuusuf X. Maxamed.

Ugu dambayn, 16/1/2017 Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi oo waqtigaas ahaa Murashaxa Madaxwayne ee Xisbiga Kulmiye mar uu ka hadlayay iswaafajinta Abaaro baahsan oo gobolada Bariga S/land ku habsaday iyo qabsoomida doorashada Madaxwaynaha waxuu sheegay in Madaxwayne Siilaanyo la soo taagi doono Maxkamad hadii uu qaban waayo doorashada Madaxwaynaha oo ku beegnayd 28/3/2017 waxaase hubaala in ay maanta hortaalo Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Maxkamadii uu Taagayay Madaxwayne Siilaanyo haduu qaban waayo Doorashooyinka .

Qalinkii; Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle .

Gabiley Somaliland.

 

COMMENTS
LINKS