Madaxweynaha Waxaan Leeyahay, Qorshaha Miisaaniyadda 2019-ka Xukuumaddu Haku Darto Mushahar Kordhinta Ciidamada Dalka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Waxaan Leeyahay, Qorshaha Miisaaniyadda 2019-ka Xukuumaddu Haku Darto Mushahar Kordhinta Ciidamada Dalka!
December 4, 2018 - Written by Editor:

Madaxweynaha iyo guud ahaan golayaasha Qaranka waxaan leeyahay haddii ay qalbiyadiina ku jirto dhaartii aad u gasheen ummaddan iyo Qaranka waxa idinku waajib ah inaad qiimayn ku samaysaan mushaharka u qaato ASKARIGA JIIDDA HORE ee difaaca Qaranka iyo guud ahaan ciidanka dalkeenu, sidaasi awgeed idinkoo ka qiyaas qaadanaya gunnada aad qaadataan bishii waxaan leeyahay Allaah ka ka baqda oo mushaharka u kordhiya ciidamada.

Ciidammada

Intaasi ka bacdi waxaan si gaar ah ugu adkaynayaa talo soo jeedintaydan MADAXWAYNAHA QARANKA MD. MUUSE BIIXI CABDI inuu ku daro waxqabadka muddo-xileedkiisa sanadkan dhamaanaya ee 2018-ka in mushaharka ciidamada dalku helaan mushahar KORDHIN haddii ALLAAH yidhaahdo, sidaa iyo garasho damiirku shaqeeyo

Wa bilaahi towfiiq

ALLAA MAHAD LEH.

W/Q. Mowliid Aadan Cumar

COMMENTS
LINKS