Prof Cabdi Cali Oo Soo Bandhigay Qodobada Lagu Xusho Golaha Wasiirada Jsl. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Prof Cabdi Cali Oo Soo Bandhigay Qodobada Lagu Xusho Golaha Wasiirada Jsl.
December 4, 2018 - Written by Editor:

“Qodobada Lagu Xusho Golaha Wasiirada”Prof Cabdi cali

Haddii Hunguri Kaa hayo Wasiirnimada, Bal Iska Eeg Shuruudaha In Aad Buuxinayso!!!

CABDI CALI IYO MUUSE

1- Waa inuu noqdo labadan da’ood mid ka mid ah: + or – 40; ama + or -70.

2- Waa in aanu ku xidhnaan bulshada.

3-Waa In Aanu Ku Xidhnaan Reerkiisa.

4-Waa in aanu lahayn han ka sarreeya wasiir mustaqbalka.

5-Waa in Aanu Aqoon iyo Waxaa laga Dareemin, xataa hadduu Aqoon leeyahay.

6-waa in Aanu soo jeedin Badan lahayn, Dhiigiisuna Qabaw Yahay.

7- Haddii Aanu xisbiyahan Kulmiye ahayn, way Caawinaysaa arrintani (it is an advantage).

8- Waa Inuu Ahaado Nin Siyaasadda ku cusub, oo Aan Ruug Cadda ku ahayn ama Dhurwaa xagga Siyaasadda.

Waxa xusid mudan in galbeedka iyo bariga Somaliland aan isku si loogu Dabbiqin Qaacidada, Taasina Waa waxa Aan u Aqaan la Jiifiyaana Bannaan.

Illaa immika Qaacidadaas ayaa shaqaysa; talow ma la beddeli doonaa qodobada aan kor ku soo Sheegnay ee lagu soo xusho Golaha; xataa haddii la beddelo, Waxan eegi doona in meesha laga saaray Waxan aynu ugu yeedhnay “la jiifiyaana bannaan” oo ku noqonaysa afka Ingiriisiga kalmadda inconsistency.

Bal idinkuna, saaxiibayaal, soo biiriya, haddii aan qodobo ka tegay. Ogowna, sida qaacido kasta lagu Yaqaan waxa jiri kara midh midh Khilaafa sidaa aynu Soo Sheegnay!!

QALINKII; Prof Cabdi Cali Jaamac; u dhaq-dhaqaaqa Arrimaha Bulshada Iyo Maamul Wanaagga.

COMMENTS
LINKS