Hay’adda Shaqaalaha Jsl Oo Tartan Loo Gelayo 50-Kaalmo Shaqooyin Dawladdu Qaadanayso U Qabatay Dhalinyarada Gobolka Sool. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hay’adda Shaqaalaha Jsl Oo Tartan Loo Gelayo 50-Kaalmo Shaqooyin Dawladdu Qaadanayso U Qabatay Dhalinyarada Gobolka Sool.
December 4, 2018 - Written by Editor:

“Tallaabadan Ayaa Qayb Ka Ah Qorshaha Xukuumada Ee Maamul-Daajinta Sida Oo Kalena Buuxisay Shuruudaha Caddaalada Shaqo Iyo Isa Soo Gaadhsiinta Gobolada”Guddo:  Sharmaake Geelle

LAASCANOOD(W,N) Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa Xarunta Gobolka Sool ee magaaladda Laascaanood  waxay ku qaaday Imtixaanka Tartan Aqoonyahanka gobolka Sool  u gelayaan 50 Kaalmooyin Shaqo oo dawladdu ka qaadanayso.

Hay'adda shaqaalaha 2

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle iyo wefti Koomiishanka Hay’adda shaqaalaha ka socda oo Gobolka Sool ku sugan, ayaa maanta waxay si rasmi ah uga qaadeen Xarunta Jaamacadda Nugaal ee Magaaladda Laascaanood  Imtixaankii loo gelaayey 50 Kaalmo shaqooyin oo dawladda Somaliland ka qaadanayso dhalinyarta Jaamiciyiinta  ku dhaqan gobolka Sool, waxaanu md Sharmarke Geelle sharaxay qaabka Imtixaanka ay u qaadeen iyo fursado shaqo abuuris oo dawladdu ay shaqaale kaga qaadan doonto 50 shaqooyin ka dib dadweynaha reer Sool.

Hay'adda Shaqaalaha 3

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle  oo sharaxaayey Imtixaanka ay aqoonyahanka Gobolka Sool maanta kaga qadayeen magaaladda Laascaanood loona gelaayo 50-ka kaalmooyinka shaqo ee dawladdu qaadanayso waxa uu yidhi

Guddoomiye Sharmarke Geelle(3)

“Maanta waxaanu magaaladda Laascaanood gaar ahaan Xarunta Jaamacadda Nugaal ku qaadaynaa Imtixaankii loogu talo galay 50 Arday ee ugu sareeya dawladdu shaqaale u qaadanayso, marka Illaahay waxaan idiinka rajaynayaa guul intii Illaahay u qoray 50 kaalmood ee shaqaaloobaya inay si qurux badan u soo baxdo inteena kale qof waloowba qalinkaaga ka sakow qadar ayaa jira iyo quud ka sareeya, maanta waxa guulaysanaya ka sakow qadarka, qalinka iyo qorshaha aynu ku baxayno inta qof ee  Illaahay sumxaanuhu wa tacaala u qadaro, halkan 50-ka kaalmood ee u sareeya ee soo baxa waxaan idiin sheegayaa waxay noqonayaan 50 shaqaale oo ka shaqayn doona gobolka Sool ka hawlgeli doona sida darteed hadii uu jiro Arday reer Sool ah oo waxbarasho ahaan iyo deegaan ahaan degan gobol kale , laakiin kaadhkiisa dhalashadu uu u saaciday in uu gobolka Sool Imtixaan ku galo, hadii uu guulaysto halkan ayuumbu ka shaqaynayaa ,

hadii uu ka shaqayn kari waayana Ardayga ku sii xiga xaga Imtixaanka ayuumba la qaadanayaa oo wasaaradaha qaranka uu ka hawlgeli kari waayo”

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle  oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Imtixaanka saako oo aynu imika wada joogno ayaa la sameynayaa hada Imtixaan ma sidano balse hada ayaa la sameynayaa diyaarintiisu wakhti ayuu qaadan doona si inta guulaysata deg deg (Oraintion) loogu sameeyo goboladii kale Imtixaankana looga qaado , gobolka Sool caasimaddiisa Laascaanood aanu markii 2aad maanta joogno waan idiin hambalyeynayaa in aad ku beegantaan ama qarankeenu gaadho in maamul daadejin iyo Imtixaanadu ka dhacaan meelaha ugu soo fog ee runtii loo soo dhaadhicin karo dunida oo dhan Imtixaanada meelo fog ayaa mararka qaar loo safraa, laakiin adeega ayaa la doonayaa inay dawladdu soo dhaadhiciso, waxa la doonayaa qofka Laascaanood jooga wax aliyaa la wixii uu Hargeysa ka heli jiray in uu Laascaanood ka helo ee ah adeega dawladnimada , dadkeena shaqooyinkan dawladda ku guulaysta waxa loo leeyahay halkan gobolkiina Sool ka shaqeeya waa adeegii safarka dheer loogu tegaayey baahidiisa Caasimadda Hargeysa ayaa la doonayaa in gobolada ay ka qabsoomaan oo laga helo, Imtixaanadeeda oo kaliya idiinma soo daadejino, laakiin maamulka oo dhan ayaa la soo daadejinayaa oo miisaaniyadda iyo shaqaalaheeda iyo shaqada ay qaranka u qabataba waa inay soo dhaadhacdo oo qofku isaga oo Laascaanood jooga halkan adeegyada dawliga oo dhan uu ka wada helo, marka Imtixaan uun ma dhaadhicinayno oo waa adeegyadii dawliga ahaa oo dhan ,  Imtixaanka aanu qaadayno oo ku dhisan Imtixaan furan, qalin furan iyo Qadarka, mar kale inta guulaysata waan u hambalyeynayaa inteena kale ee Imtixaankan ka qaybgalaysa mar kale ayeydun Inshaalaah idinkuna guulaysan”

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS