Drogba Oo Ka Hadlay Dabaal Degiisii Uu Caanka Ku Ahaa Oo Uu Sameeyey Aubameyang Markii Uu Goolka 2-aad Ka Dhaliyey Tottenham. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Drogba Oo Ka Hadlay Dabaal Degiisii Uu Caanka Ku Ahaa Oo Uu Sameeyey Aubameyang Markii Uu Goolka 2-aad Ka Dhaliyey Tottenham.
December 4, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Ciyaartii dhex martay labada kooxood ee ka wada dhisan Magaalada London ee Arsenal iyo Tottenham ee maalintii axadii fooda isku daray garoonka Arsenal ee Emirates ciyaartaas oo ka tirsanayd horyaalka dalka Ingiriiska aadna u xiiso badnayd oo ay guushu ku raacday kooxda Arsenal oo marti loo lahaa  kuna badisay 4-2.

Afarta gool ee ay dhalisay kooxda Arsenal ayaa laba ka mid ah waxaa u dhaliyey laacibka afka hore ugu ciyaara kooxda Arsenal ee u dhashay dalka Gabon ee Pierre Emerick Aubameyang ayaa markuu dhaliyey goolka ayuu sameeyey dabaal degii uu caanka ku ahaa laacibkii waynaa ee Drogba ee u ciyaari jiray kooxda Chelsea ee ka dhisan dalka ingiriiska.

DROGBA 1

Didier Drogba ayaa ka hadlay dabaal dega uu sameeyey laacibkan ay ka soo wada jeedaan qaarada Africa isagoo Drogba ka fadhiistay ciyaaraha oo imika dadiisu ay tahay 40jir ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay laacibka ku dayday dabaal degiisii uu caanka ku ahaa laacibkan ka soo jeeda qaarada Africa.

CIYAARTOY SAMEEYAY

Didier Drogba ayaa bartiisa Istagramka soo dhigay “ markaad aragto walalkaa oo kaa yar oo samaynaya dabaal degaaga baalasha ballaari waa wax lagu farxo isagoo soo dhigay sawir ah Aubameyang oo dabaal degaya”.

Diyaariye:- Shiine Mataan.

COMMENTS
LINKS