“Waxaanu U Baahanahay In Aanu Mucjiso Soo Bandhigno, Si Aan Ugu Soo Baxno Tartanka Champion League” Mourinho. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxaanu U Baahanahay In Aanu Mucjiso Soo Bandhigno, Si Aan Ugu Soo Baxno Tartanka Champion League” Mourinho.
December 4, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Macalinka Jose Mourinho ayaa sheegay in qorshaha kaliya ee  kooxda Manchester United  ugu soo baxi karto tartanka Champions League xilli ciyaareedka soo socda ay tahay wax aan macquul ahayn, isagoo dhinaca kale tilmaamay inay noqon doonto mucjiso.

Manchester United ayaa u jirta 8 dhibcood booska afarta kooxood ee ugu sareeya horyaalka Premier League si ay ugu soo baxdo tartanka xiisaha badan ee Champions League ayaa kooxda waxaa la gudboon in ay la timaado ciyaaro mucjiso ah.

MUORINHO

Kooxda Red Devils ayaan guuleysan mid ka mid ah seddexdii kulan ee ugu danbeysay horyaalka Premier League, 1 kulan ayaa laga badiyay, halka 2-da kalena ay barbar dhac galeen.

Jose Mourinho iyo wiilashiisa ayaa habeen dambe Arbacada ku marti galin doona garoonka Old Trafford kooxda Arsenal oo haatan fadhida booska 4-aad ee dhanka kala sareynta.

Jose ayaa shir jaraa’id uu kasoo muuqday kahor kulankan sheegay inay noqon doonto mucjiso hadii ay hadii ay ku dhameystaan 4-ta aadi doonta tartanka Champions League dhamaadka xili ciyaareedkan.

“Waxaan ubaahanahay natiijooyin wanaagsan, todobaadkii hore ka hor kulankii Crystal Palace, waxaan sheegay in ujeedkeyga uu yahay inaan ka mid noqono 4-ta sare kahor dhamaadka bishan Diseembar”.

“Laakiin haatan waxaan isku dayi doonaa inaan soo yareeno farqiga, waxaan u maleynayaa inay ka fog tahay mucjiso, waxaan u baahanahay in qaar ka mid ah ciyaartoyda ay sameeyaan si ka fiican sida ay sameyn lahaayeen, waxaan u baahanahay inaan kooxdeena sii wanaajino”.

“Lix kooxood ayaa xili kasta jiri doona ee ah lixda ugu sareeya, laakiin xili ciyaareedba kan ka dambeeya, laba kooxood ayaa ka bixidoonta afarta kaalmaha sare, tusaale ahaan xilli ciyaareedkii hore waxaa ka baxay Arsenal iyo Chelsea, xilli ciyaareedkan, labo ka mid ah lixdan kooxood ayaa seegi doono afarta sare” markaa waxaanu ku dedaali doonaa si aanu uga noqono afarta ugu sareeya si aanu uga badbaadno in aanu seegno  tartanka Champions League.

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Diyaariye:- Shiine Mataan.

COMMENTS
LINKS