Puntland Oo Qarka U Saaran Tafaraaruq Siyaasadeed Iyo Gaas & Camey Oo Khilaafkoodu Cirka Marayo!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Puntland Oo Qarka U Saaran Tafaraaruq Siyaasadeed Iyo Gaas & Camey Oo Khilaafkoodu Cirka Marayo!!
December 5, 2018 - Written by Editor:

Garowe(W,N)-Khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya arrimaha doorashooyinka, ayaa ka dhex qarxay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo ku xigeenkiisa Cabdixakiim Camey.

CAMAY IYO GAAS

Khilaafka labadan masuul ayaa banaanka u soo baxay ka dib markii uu Madaxweynaha Puntland, magacaabay guddi uu ugu magac daray ansixinta iyo xalinta khilaafaadka golaha wakiilada cusub ee Puntland.

Hasayeesehee yagleelidda guddiga ayaa waxaa ka dhashay buuq u dhaxeeya madaxda ugu sareysa Puntland.

Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Gas oo magacaabay guddigaasi aya waxaa ka soo horjeystay ku xigeenkiisa, oo madaxweynaha ku eedeeyay in uu baalmaray hab-raaca magacaabidda guddiga khilaafaadka.

Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa isna dhankiisa soo magacaabay guddi kale oo uu sheegay inuu yahay guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka ee golaha wakiilada Puntland, kadib markii uu sheegay in Cabdiweli Gaas lagu qancin waayay in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafkaasi.

Camey ayaa sidoo kale sheegay in qaar kamid ah guddiga uu soo xulay madaxweynaha ay yihiin kuwa qaraabo dhaw la ah madaxweynaha, una shaqeeya dowladda.

Cabdixakiin Cabdullaahi ayaa sidoo kale sheegay in madaxaweynaha, ku xigeenkiisa iyo guddoonka barlamaanka ay tahay inay isu yimaadaan, kana wada tashadaan magacaabidda guddigan.

Qaar kamid ah musharaxiinta doorahsada madaxweynaha ee Puntland oo ka hadlay khilaafka soo kala dhexgalay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa sheegay inay la safanyihiin madaxweyne ku xigeenka, sheegay na in guddigaasi uu yahay mid u shaqeynaya madaxweynaha oo keliya.

Geesta kale, Cabdiweli Gaas, ayaa la sheegay inuu diyaarsaday ninka uu doonayo inuu u noqdo madaxweyne-xigeen oo ka soo jeeda deegaanka Taleex ee gobalka Sool, waxaanu meesha ka saaray Mr. Camey oo labadii sannadood ee u dambeeyay uu khilaaf ka dhex jiray.

 

COMMENTS
LINKS