Qiso: Shimbiro Caddaalad Helay Iyo Dad Cadaalad Waayey ! W/Q : Khadar Ibrahim Aar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qiso: Shimbiro Caddaalad Helay Iyo Dad Cadaalad Waayey ! W/Q : Khadar Ibrahim Aar.
December 5, 2018 - Written by Editor:

Waa goor kulayle ah ,malahayga kuma fiicne aqoonta cimiladee ma Kaliilbaa mooyi hadanay ahayna waa mid u dhaw , waana magaalada Paris ee cariga dalka Faransiiska, Kaliisha iyo kulaylka Faransiisku waa mid ka gadisan cimiladii carigeena .Waxa aan kusoo daalay hawl iyo dan aan lahaa,waxa aan damcay in aan tago goobtii markaasi aan tareenka ka raaci lahaa, si aan u beegsaado meesha kale ee aan markaasi u muraadka leeyahay .

Waxa aan si dhakhso ah usoo gaadhay xarun wayn oo markaasi Tareenada laga raaco,maaha hal tareen sidoo kale maaha laba iyo sadaxtoona ,waa Duni iswaydaranaysa .Waxa aan si qumaati ah isu taagay halkii loogu talagalay in Tareenka laga fuulo. Hadaba waxaa si kadiso ah ama lama-filaan ah aniga iyo dadkii boqolaalka ahaa ee Tareenka sugaayey halmar uun korkayaga nagaga yimi Shimbiro aad u farabadan, kadibna waxa ay  si kalsooni iyo baqasho la’aani ay ku jirto xaab iyo cunto uga gurteen Cagahayaga hoos tooda iyo halkii aanu cidhbaha ku haynay.

Taxtaxaashkii iyo cabsi la’aantii  ka muuqatay Shimbiraha waxa ay gaadheen in Qofkasta oo Tareen suga ah ay ka hoos gurtaan Ceeshka iyo cuntada uu Ilahay tusay iyaga uun  ,mararka qaarna ay si dhibyar uga bootaalaystaan Kabaha iyo agabka yaryar ee shandadahu ka mid yihiin ee ay  sitaan Tareen sugayaashu ee dhulka yaala .

Ma jiro qof dadka ka mida oo Shimbirahaasi wax dhib ah u gaysan karaa ,dhib in loo gaysto iska daaye xaataa waxaan jirin qof isagu dhibsanaaya dhaqdhaqaaqooda iyo hoos markooda.Qofkasta oo dadka ka midii waxa uu labadiisa indhood ku dhaygagsan yihiin  sida quruxda badan ee ay Shimbirahani u tax-taxaashayaan marinada ay ka samaysteen dadka lugahooda.

Hadaba dadka goobta jooga ee Tareenka sugayaa waxa ay u qaybsan yihiin Laba qaybood :-kuwo iyagu laba yaaban shimbirahan iyo sida ay nabadgalyada iyo abniga u heleen ,sharci ka celiya mooyaane shantooda farood la aadi lahaa  waana kuwa ka yimi Afrika iwm , iyo kuwo aanay culays badan iyo layaab ku ahayn ficiladan ka muuqda shambiraha waayo awoow ka awoow ayay kusoo dhaqmayeen soona arkayeen  arintan oo kale waana dadka dhulka leh.

Inkastoo aan anigu in badan iyo wadamo badan aan kusoo arkay shimbiro sidan oo kale u nidaamsan ,hadana maanta waxa si gaar ah iisoo jiidatay sida quruxda badan ee ay isugu dhex wareegaalaysanayaan dadka iyo Shimbirahu,kadibna sidii aanu halkii u taagnayn ayaa waxa noo yimi Tareenkii qofkasta oo naga midiina waxa uu fuulay Tareenkii.

Hadaba aniga oo Kursigii tareenka saaran ayaan wali waxa aan kasii xiiso go’i la’ahay sidii anshaha iyo ixtiraamki ku jiray ee isula falgaleen Dadka iyo Shimbirahu,waxa kaloo wali ishaydu kusii libdhan tahay shimbirahii oo wali kusii fuurara dhulka   ,iyaga oo aan marnaba ka didin kana duulin sanqadha iyo dhawaaqa wayn ee socodka Tareenka kasoo yeedhaysay.

Maaha oo kaliya in aan idiinka sheekeeynaayo wixii aan maanta arkay,balse ujeedka qoraalkaygu waxa uu yahay wixii aan iswaydiiyey markii Shimbirahu ay Quudka ka raadsanayeen Dhulka gaar ahaan halka aan cagaha ku hayo iyo sababta ay iiga baqan’layihiin.

Sidaas awadeed waxaan iswaydiiyey waxa ay ku kala duwan yihiin Shimbirahan iyo Shimbirahii quruxda badnaa ee dalkayga joogay ,waayo shimbir kasta oo dalkaygii joogtaa ha yaraato ama ha waynaato hadiiba ay qofba aragto indhaheeduba ay qabtaan waxa ay ka duulaysaa  masaafo dheer,sababta oo ah qofkaasi ma dhafaayo waxanay og tahay in uu dhibataynaayo .

Hadaba su’aashu labaad ayaa waxa ay tahay  shimbirtan Faransiiska iwm joogtaa kalsoonida intan leeg halkee ayay ka heshay? maxaase kalsooni darada ku abuuray Shimbiraheena?

Wadankan iyo wadamo kale oo la mida waxaa ka jira sharciyo kaa mamnuucaaya in aad dhibaato u gaysato shimbiraahaasi isla markaana ay kaa nabad galaan,waayo waxa ay leeyihiin wasaarad iyo wasiir ay hoos yimadaan shuruc iyo sharciyo ku qabanaaya hadii aad ku xad-gudubto.

Aragti kale hadii aan ka bixiyo aniga rayigayga,waxa aan isleeyahay markii ay dadkooda cadaalad u sameyeen ayay shimbirahoodina nabad-galyo heleen,inaguna markii aynu cadaalad dadkeenna u i samayn waynay ayay shimbiraheenina inaga cabsadeen.

Dib u xasuuso magaca shaygii la odhan jiray Shimbiralaaye muxuuse ahaa ?

Shimbiralaaye waa qorigii labada faraar korka ku lahaa laguna xidhi jiray cinjirka ama laastiiga kadibna lagu ugaadhsan jiray shimbiraha iyada oo ujeedada laga lahaa oo kaliyii ay ahayd in la dilo ama nafta la dhaafiyo,waayo maynaan lahaan jirin dad shimbiraha  cuna wax baahiyiina ay u hayso.Qofkasta oo inaga mida gaar ahaan ragga way adag tahay in la helo nin aan hal ama laba shimbirood aan soo dilin.

Shimbirahu waxa la ogaaday in ay cunaan isla markaana ay inaga dabargooyaan xayawaankale oo Ili maqabatay ah oo ina dhibatayn lahaa,waa aqoon iyo darasaad la barto shimbirahu munafacaadka ay dunida u leeyihiin.

Waxa laga yabaa in dadka qaar u fikirayaan in qoraalkani aanu munaasiba ku ahayn in laga hadlo Shimbiro iwm,iyada oo Dadkii noolaa la laynaayo badhkoodna ay gaajo u bakhtiyayaan waana fikrad fiican oo aan soo dhawaynaayo.

Waxa aan qoraalkayga kusoo gaba-gabaynayaa ,Nabigu CSW waxa uu noo sheegay Bisad ay gabadhi xidhatay isla markaan aanay cunto iyo cabitaan aanay siin Naartana ay ku gashay iyo Ey haraadan oo uu nin waraabiyey Janadana uu ku galay,Diinta islaamku waa Diin kaamil ah cidkastana xaqeeda siisay,hadaynu qaadan lahayn iyada ayaa inagaga filaan lahayd waxkasta,manaan jecladeen in aan idiin soo gudbiyo afkaar iyo fikir gaalo samaysatay ha fiicnaado ama ha xumaado,balse wixii ay ku fiican yihiin waa in aynu kaga dayanaa.

W/Q : Khadar Ibrahim Aar.

COMMENTS
LINKS