Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Oo Kulan Sabootin Ah Laascaanood Kula Qaatay 50-Kii Qof Ee Ku Soo Baxay Imtixaankii Dawladdu Shaqaalaha Cusub Ku Qaadatay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Oo Kulan Sabootin Ah Laascaanood Kula Qaatay 50-Kii Qof Ee Ku Soo Baxay Imtixaankii Dawladdu Shaqaalaha Cusub Ku Qaadatay.
December 5, 2018 - Written by Editor:

 “Ilaa Imika Oo Gobolkii 2aad Laga Soo Dhameeyey Tartanka Shaqaalahaynta , Waxaa Guulaystay 30 Gabdhood Taasi Oo Ka Jawaabaysa Qoondadii Madaxweynuhu U Diyaariyey Haweenka S/Land” Guddo:  Sharmaake Geelle.

LAASCANOD(W,N) Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa Xarunta Gobolka Sool ee magaaladda Laascaanood  Ka dib Imtixaan lagu kala Calaf qaaday oo ay halka kaga qaaday 190 qof loona galay Kaalmo shaqo oo  dawladdu qaadanayso waxaay Hay’adda shaqaalahu si rasmi ah u soo bandhigtay hambalyona u dirtay 50-kii qof eek u guulaystay shaqaalihii dawladdu ay ka qaadatay Gobolka Sool.

shaqaalaha

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa maanta waxa uu si rasmi ah magaaladda Laascaanood ugu soo bandhigay 50-kii qof eek u guulaystay Shaqooyinka ay dawladdu ka qaadatay Gobolka Sool, waxaanu Guddoomiye Sharmarke Geelle Hambalyo iyo duco u diray dhamaan Xubnaha nasiibka u yeeshay inay ku soo baxaan Imtixaankii dawladdu shaqaalaha ku qaadatay.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo kulan sabootin iyo hambalyo ah Laascaanood kula sii qaatay 50-kii guulaystayaasha Gobolka Sool ku soo baxay Imtixaankii Dawladdu shaqaalaha halka kaga qaadatay waxaana qoraalkii guddoomiye sharmarke Geelle u dhignaa sidan.

Hambalyo Guulaystayaasha Gobolka Sool

Waxaa si habsami ah u soo dhammaaday Tartankii Gobolka Sool halkaas oo hubin iyo kala hufid kadib ay gobolka Sool u ansaxday in ay imtixaanka u fadhiistaan 190 tartame balse ay soo xaadiray una fadhiisteen imtixaanka 172 tartame.

Tartamayaasha 172-ka ah ayaa u kala baxayay 134 rag ah halka gabdhahu-na ka ahayeen 38-tartame.

Ugu dambayn, tartan xalaal iyo xirfad ku dhisan kadib waxaa soo guulaystay 35 wiil iyo 15 hablood.

Hambalyo dhammaan tartamayaasha Gobolka Sool waxaanan u rajaynayaa mustaqbal wanaagsan

Kulan is barasho iyo bogaadin ah kadib, waxa aan hadda u soo jeednaa Gobolka Togdheer oo berito Insha Allah ay tartan kaalmo shaqo ka bilaabmayaan halkaas oo ay ku sugan yihiin madaxdii Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu.

 

COMMENTS
LINKS