Carabta Iyo Somaalida Isku Eekaa!! Qalinkii; Barkhad-ladiif. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Carabta Iyo Somaalida Isku Eekaa!! Qalinkii; Barkhad-ladiif.
December 5, 2018 - Written by Editor:

Soomaalida iyo Carabta waa dad isku dabeecada haday tahay dhaqanka iyo wax qabsi la’aanta, waxaana taas ku cadeyn ah suugaanta dadkeenii hore ka yidhaahdeen.

Laba odhaahood oo uu Sayid Cabdalle Xasan ka yidhi waagii dawladnimadu aanay jirin ayuu qolana ku sheegay inay haween yihiin, qolo kalena ku sheegay inay tuug yihiin, boqol sanno ka dibna wali waxba iskama bedelin waa sidii.

Sayid Cabdalle xasan waxa uu hore carabta uga yidhi “

“Caloosha iyo madaxay sidii, dumar cantuugaane

Maandhow cayaayirka iga daa, Carabi waa naage!.”

Sayid Cabdalle Xasan waxa kale oo uu tilmaamay Soomaalida waxaanu yidhi “Musuqmaasuq soomaali waa meheradeediiye”.

Wakhtigaa uu soomaalida sidaas ku tilmaamay may jirin dawladnimo hadana wuu sii garanayey oo wuxuu yaqaanay dhaqankoodda, musuqmaasuqu, waxa kale maaha ee beenta, ballan darada, laaluush, eex, hanti laysdabamariyo, dhaqan-xumo, ku xadgudub xuquuqda aadamiga iyo maamul xumo weeyi.

Walina way jirtaa, da’dii kacdaaba waxay martaa jidkii kuwii kahoreeyey jeexaan, walina umuu dhallan qof hogaamiye ah oo dantiisa gaarka ah ka horumariya ta guud.

Malaha marka qudus la xeerayo ayey hogaamiye ka noqon doonaan aduunka oo dhan.

Carab cid ka dhaqaale badan ma jirto, walise awoodooda lama tusin oo waxay la mid tahay awrka aakhiro quwadiisa la tuso, Soomaalidana in loo taliyo mooyee iyagu ma tashan karaan.

 

Qalinkii; Barkhad-ladiif Cumar.

 

COMMENTS
LINKS