Wasiirka Gadiidka Jsl Oo Shirkad Gaara ka Dhex Samaystay Wasaarada Iyo Lacago Sharci Daro Ah Oo Shacabka liisamada Doonaya Laga Qaado+fadeexadaha Ka Taagan! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Gadiidka Jsl Oo Shirkad Gaara ka Dhex Samaystay Wasaarada Iyo Lacago Sharci Daro Ah Oo Shacabka liisamada Doonaya Laga Qaado+fadeexadaha Ka Taagan!
December 5, 2018 - Written by Editor:

Buuga Barashada Wadida Gawaadhidu Ee Wasaarada Gadiidku soo saartay Ma Buug Qaranbaa Mise Waa Mid  Wasiir Cabdilaahi Abokor Leeyahay?Halkayse Ku Dhacdaa Lacagta Dadka Laga Siiyo Buugani?

Hargaysa(W,N) Wasiirka Wasaarada Gadiidka iyo jidadka Cabdilaahi Abokor ayaa shacabka reer Somaliland ee adeegyada uga Baahan Wasaarada kusoo Rogay culusyo badan oo aanay qaadi Karin bulshadu kuwaasi Oo xiligan keentay Jaho wareer badan Oo Haysta Muwaadiniinta  ubaahan in ay qaataan liisanka Wadista Gaadiid oo markii horeba la Ildaraa Lacago Xad dhaaf ah oo laga qaaday.

WASIIR CABDILAAHI ABOKOR

Sidoo kale Wasiir cabdilaahi abokor ayaa soo daabacday buugaag Shuruud ku noqotay Qofka Doonaya in uu liisanka wadista Baabuurta qaato, buugan ayaa laga iibinayaa dadka liisanka doonaya lagu qasbay in ay buugan soo xafidaan si ay imtixaanka ugalaan iyadoo gabi ahaanba laga baydhay habkii markii hore loo gali jiray imtixaanka Wadista baabuurta,

Qorshahan wasiir Abokor Dhul dhigay shacabka ayaa ah dhanka kale Noqday mid dhib wayn ku haya dadka aan wax akhiriyin.

Midkamida dadii Mudada Sugayay liisanka gaadhiga islamarkaana 11biloodka ka hor laga qaaday lacagtii ayaa sheegay in markii uu soodoontay liisankii lagu war galiyay in wax is badaleen islamarkaana uu iibsado buuga buug wasiirku soo kordhiyay oo qiimihiisu yahay 5$ wuxuna yidhi “Waxaa Ayaandaro ah In mudada Intaa leeg ee Aan sugayay liisanka hadana maanta laygu yidhaa buugan iibso dib ayaa imtixaan lagaaga qaadayaaye, waxaan leenahay madxawayne hoos u eeg waxa ka socda wasaarada iyo sida shacabkii loogu baadhanayo”Cabdilaahi Cumar ayaa sidaa yidhi.

Wasaarada Gaadiidka ay noqotay wasaarada ugu cadaalada xun wasaaradaha uu soo dhisay madaxwayne Muuse Biixi Cabdi tan iyo intii uu ku guulaystay talada dalka isaga oo masuulka uu u soo magacaabay wasaaradan durbadiiba ku dhaaqaaqay talaabooyin hor leh oo ka hor imanaya adeegyadii loo igmaday wasaaradaas balse masuulkan ayaa  wasaaradan ka dhexsamaystay shirkado ganacsi oo si toos ah jeebsdiisa ugu adeega isaga oo shirkad ka dhex samaystay wasaaradaaas khaasatan qaybta liisamada oo uu u samaystay shirkad ay qaraabo yihiin waxaanu amray in dhamaan dadkii liisanada hore loo siiyay xukuumadii hore dhamaantoodba imtixaan darawalnimada ah dib looga qaado halkaas oo dakhli badani ugu jiro shirkadiisa gaarka ah iyo sida oo kale isaga oo muwaadiniinta liisanka dalbanaya ku amray in imtixaanka indhaha iyo nooca dhiiga oo shuruuda koowaad u ahayd liisamada ku amray inay shirkadiisu ka qaado qadar lacaga oo qaaliyana laga qaado muwaadinka isaga oo xaaraantinimeeyay in dhakhtarka wayn laga soo qaato,

Warqada laga soo qaato dhakhtar wayn ayaa iyadu ka jaban tan wasiirku wasaarada ka dhex samaystay

Talaabooyinka wasiir cabdilaahi Abokor uu ku kacay  kuma koobna intan oo kaliya ee wuxuu masuukani si sharci daro ah u qortay shaqaale ay isu hayb yihiin inta uu hayay xilka wasaarada.

Wasiirka wasaarada gadiid iyo jidadka ayaa xiligan umuuqda masuul wasaaradii qaranka uga faa,iidaystay helitaanka dano dhaqaale oo gabi ahaanba sharciga baalmarsan

Shacabka reer Somaliland ayaa isha ku haya sida madaxwayne muuse biixi uga dareen celiyo talaabooyinka dhiig baxa ah ee uu jidaystay wasiirka gaadiidku.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS