Mourinho Oo Si Weyn U Amaanay AFAR Ciyaaryahan, Ka Dib Kulankii Arsenal. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mourinho Oo Si Weyn U Amaanay AFAR Ciyaaryahan, Ka Dib Kulankii Arsenal.
December 6, 2018 - Written by Editor:

Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa amaanay afar ciyaaryahan ka dib markii ay kooxda Manchester United ay barbar dhac 2-2 ah la gashay Arsenal kulankii xalay ka dhacay garoonka Old Trafford, kaasoo ka tirsanaa kulamada 15-aad ee horyaalka Premier League.

tababare mourinho

Laba gool ay kala dhaliyeen xidigaha Anthony Martial iyo Jesse Lingard ayay kooxda Manchester United kaga heshay Arsenal barbaro, xili ay Gunners 2 jeer hogaanka u qabatay ciyaarta, inkastoo Mourinho uu sheegay inay jireen qaladaad badan, hadana wuxuu ku amaanay ciyaartoydiisa dadaalkii ay la yimaadeen.

Mourinho ayaa sheegay in ay jireen khalaad badan balse hal mar ayey ciyaartayadu kor u kacday oo aad moodaysay in kooxdu fiican tahay, waxaa dhacday in wakhti adag uu naga dhashay goolka labaad balse dadaal fiican ka dib isla markiiba way keeneen goolkii kooxdu.

Waan ku faraxsanahay qaabciyaareedka iyo go’aanka geesinimada leh ee ay la yimaadeen ciyaaryahanada qaarkood oo naga caawiyey cadaadiskii nooga imanayey kooxda kale waana bilaabashadii ugu horeysay ee Dalot iyo Marcos Rojo ee xili ciyaareedkan, Eric bailly wuxuu maqnaa laba bilood, Smalling ayaa isaguna  nin geesi ah.

Diyaariye;- Shiine Mataan.

COMMENTS
LINKS