WAJAALE NEWS

Abaal Marinta Ballon d’Or ka Uu Qaatay Modric Waxay Dhiirigalin Doontaa In Cristiano Ku Guuleysto Mar 6aad”.

HARGAYSA(W,N) Macalinka kooxda Juventus Massimiliano Allegri ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo uu u qalmay ku guuleysiga abaal marinta Ballon d’Or 2018, taasoo dhawaan loo caleemo saaray xidiga reer Croatia ee Luka Modrić.

Massimiliano Allegri ayaa wareysi uu siiyey wargeyska “CalcioMercato” ee dalka Talyaaniga wuxuu kaga hadlay sida uu Cristiano ugu xaq lahaa ku guuleysiga abaal marinta Ballon d’Or 2018.

“Cristiano Ronaldo wuxuu u qalmay ku guuleysiga abaal marinta Ballon d’Or 2018, sababtoo ah wuxuu kula soo  guuleystay kooxda Real Madrid tartanka Champions League”.

Ku guuleysiga Luka Modrić ee abaal marinta Ballon d’Or 2018, waxay noqon doontaa mid ku dhiiragalisa Ronaldo inuu sii fiicnaado, islamarkaana uu ku guuleysto Ballon d’Or markiisii lixaad taariikhda xirfadiisa kubada cagta isagoo ku sugan kooxda Juventus”.

Ronaldo Wuxuu sii kordhiyay xirfadiisa, waa ciyaaryahan muhim ah, wuxuu yimid kooxda, si fiican ayuuna ula qabsaday Cristiano wuxuu tusaale u yahay dhalinyarada, inkastoo uu guulo ku gaadhay da’ada 33 sano.

Diyaariye;- Shiine Mataan.

Exit mobile version