“Markasta oo Doorashadu Sii Fogaato, Waxay Keenaysaa In Dadku Sii Kala Fogaadaan”.Sheekh Aadan-Siiro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Markasta oo Doorashadu Sii Fogaato, Waxay Keenaysaa In Dadku Sii Kala Fogaadaan”.Sheekh Aadan-Siiro
December 7, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay khilaafka ku saabsan dib u dhaca Doorashooyinkii Golahayaasha Wakiillada iyo deegaanka ee u dhexeeya Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka ah.

Sheekh Aadan waxa kale oo uu ka hadlay waxyaabaha looga baahan yahay Hoggaanka Ummadda, marka uu khilaaf soo kala dhex galo Dadka uu Hoggaamiyo ama isagaba laga soo cawdo.

Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Waxaan si kooban uga hadlayaa in Qofku uu Walaalkii u Tanaasulo, marka ay tahay wax ummadda ka dhexeeyana uu Hoggaanku Tanaasulo si ay Ummaddu u bedbaaddo. Khilaaf baa jira ka dhexeeya Xukuumadda iyo Xisbiyada Qaranka. Marka Dadku ay wax isku khilaafaan muxuu yeeli jiray Hoggaanka Dadka u taliyaa ? Haddii Qof Muslim ahi wax ka tirsado Hoggaankana maxay yeeli jireen Dadkii Saalixiinta ahaa….”?

Sheekha oo su’aalahaa uu iswaydiiyey kaga jawaabaya Qisas ku arooraya sidii Saxaabadii Nebigu CSW u xallin jireen khilaafaadka ayaa yidhi “Ubaya Binu Kacab oo ahaa Saxaabigii uu Rasuulku CSW ka dhegaysan jiray Qur’aankii isaga lagu soo dejiyey oo uu Nebigu odhan jiray igu akhri, ayaa waxay isqabteen Cumar Binu Khaddaab oo ahaa Amiirkii Muumiinta, Ubaya ayaa yidhi Amiirkii Muuminiintoow waynu isqabanay oo waxaas ayaynu isku haynaa, waanad iga gar-daran tahay ee iga gar bax, dabadeed Cumar Binu Khaddaab wuxuu yidhi ‘Walaal waan ogolahay ee waxaad tagtaa halkaa inoo dhexda ah (Waa Maxkamaddii Muslimiinta), ka dib Ubaya ayaa yidhi ‘Tagi maayo meel ninka Maamula aad Adigu Magacowday, ka dib Cumar wuxuu yidhi ‘Walaal Maxaad Raalli ku tahay’ wuxuu yidhi Masaajidkaa Nebiga inna gee, Masaajidka waxa jooga Sayid binu Saabit, isaga ayay iigu dhan tahay ee inoo gee ayuu Cumar ku yidhi, Waayo? waa Dadkii isku kalsoonaa ee ogaa inuu xaq ku taagan yahay, waa Dadkii qaadanayey haddii laga gar helo, markii ay Masaajidka galeen ayaa Sayid Binu Saabit yidhi, Amiirkii Muuminiintoow halkaa fadhiiso, ka dib Cumar baa yidhi ‘Mar dambe yaanan kaa maqlin inaad Magacaa (Amiirka) iigu yeedho, inta aad gartayada ku jirto’, waa Aniga oo Cumar Binu Khaddaab ah iyo isagoo ah Ubaya Binu Kacab, gartii baa la qaaday, Cumar Binu Khaddaab ayaa dhaar lagu yeeshay,  halkii baa lagu dhaariyey Cumar Binu Khaddaab, halkii bay isku Gacan-qaadeen, miyaa la odhanayaa dhaarta ha laga daayo waa Amiirkii Muuminiintee? Walaalayaal arrintaa ku eega nolosha Maanta jirta, ku eega kuwa Maanta Dadka u talinaya, oo ku eega waxa Maanta jira.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu ka hadlay “Waxaan leeyahay Xukuumadda iyo Asxaabta Qaranka ee murmaya waar Dalka u tudha, Dadkana waxaanu leenahay waxa lagu murmayaa waa Dalka, waa Masiirkeenii, waxa lagu murmayaa waa Xuquuqdii aynu innagu lahayn, markaa haddii Xukuumaddu khaldan tahay waa inaad ka daa’ tidhaahdo, haddii Xisbiyadu khaldan yihiin waa inaad ka daaya tidhaahdo, doorkaa waxa qaadanaya Culimada, Madax-dhaqameedka, Dadka Aqoonyahanka ah, Tujaarta iyo Cid kasta oo Talo lagu tuhmayo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Xukuumadda waxaanu leenahay Ummadda u dhibriya, waar Ummadda ururriya, waar marka la idinka gar leeyahay ha isticmaalina Awoodda ummaddu idin siisay..”

Sheekhu wuxuu ku taliyey in Xukuumaddu Talo keento, maaddaama oo laga cawday Komiishanka Doorashooyinka Qaranka “Komiishanku waa 7 Nin oo reer Somalilad ah, haddii laga Cawdo talo keena, haddii la yidhaahdo 2 ha lagu daro dhibaato ma keenayso, laakiin mar kasta oo Doorashadu sii fogaato waxay keenaysaa in Dadku sii kala fogaadaan, in yari Taladii iyo Dhaqaalihii ku soo ururto, taasina waxay keenaysaa khilaaf, khilaafkaasina wuxuu keenayaa in Ummaddu kala fogaato, marka Ummaddu kala fogaatana waxay keenaysaa in dhibaato innagu dhacdo,markaa Xukuumadda waxaanu leenahay Caqli ku dara oo Ummadda isku soo dhaweeya.”

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

COMMENTS
LINKS