Isbarbar Dhig: Laba Masaajid Oo Lacag Loo Ururinayey Oo Midna Daami Laga Dhisayey Midna Yurub!W/Q; Barkhad-ladiif. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Isbarbar Dhig: Laba Masaajid Oo Lacag Loo Ururinayey Oo Midna Daami Laga Dhisayey Midna Yurub!W/Q; Barkhad-ladiif.
December 7, 2018 - Written by Editor:

Inta badan maalinta Jimcaha waxa masaajidadka la tuhmayo inay dadka jooga lacag bixin karaan laga ururiyaa lacag hadba baahiyo jiro loo ururinayo .

laba masaajid

Salaadii jimcaha ee maanta waxa lacag loo ururinayey masaajid balaadhinayey oo dhul loo iibinayey oo ku yaalla xaafadda Daami, masaajidkan lacagta laga ururinayey inta badan madaxweynaha ku tukada, inkastoo aanu maanta aanu joogin, haseyeeshee waxa ku tukadda inta badan bulshada inta ladan ee jecel inay madaxweynaha is arkaan ama soo salaamaan amaba ku qanacsan inay sheedda ka arkaan ama uu madaxweynuhu ka arko iyagoo tukanaya.

Inta badana waxa dhaqan noqotay oo Hargeysa ku arkaa in kolba masaajidka cusub dadka madaxda ah ama ladani ku tukadaan, taas oo kolba masaajidka cusub la isku tilmaamo.

Hadabba, Masaajidkan aan ka hadlayo waxa khadiib ka ah wasiirka Diinta iyo Aw qaafta iyo agaasimaha guud ee wasaaradda, waxaana maanta khudbadii jimcaha noo gallay agaasimaha guud ee wasaarada Diinta iyo Aw qaafta, markii uu khudbadii dhameeyey waxa uu dadkii ogaysiiyey in aanay dadku kicin marka salaada laga baxo maadaama oo marti u yihiin masaajidka culimo ka socota masaajid ku yaala xaafadda Daami oo muslimiinta caawimo ka rabta.

Markii salaadii laga baxay ayaa culimadii ka socday masaajidka Daami warbixintoodii dhiibteen, waxaanay sheegeen in 27 dollar u baahan yahay dhismaha masaajidka oo la balaadhinayo, waxay haysteen toddoba kun waxa ay doonayaan labaatan kun oo dollar, waxaana lagu bilaabay toban qof oo min shan boqol bixiyaa in loo baahan yahay, dhawr qof baa farta taagay, marba marka ka dambaysa hoos loo dhigayey lacagta dadka laga ururinayey si nin walba inta uu awoodo u bixiyo, haseyeeshee dadkii badankoodu way dareereen, wax yar uun baa lacagtii bixiyey, kuwaas oo aan gaadheen illaa laba kun oo dollar inta la bixiyey.

Sidan oo kale maalin jimce ah ayaa masaajidka Cumar Cismaan oo ku yaalla Xaafadda Jig jiga yar oo aan wax badan ka ka fogeen masaajidkan wasaaradda Diinta waxa lacag looga baahaynayey masaajid laga dhisayey Yurub, waxa imaamkii masaajidku sheegay in sodan kun masaajidan laga rabo inay bixiyaan, waxaanu bilaabay toban qof oo min kun dollar bixiya baa loo baahan yahay, markiiba tobankii baa kacay, hadana shan boqol oo doolar baa la yeedhiyey markiiba dadkii way u baratameen illaa afartan kun oo dollar sodon daqiiqo gudahood lagu ururiyey.

Labadan masaajid mid walba dadka dabaqada sare ah ayaa ku tukada, midna afartan kun baa markiiba laga ururiyey, halka kii kalen laba kun wax aan gaadhin laga ururiyey, midna Yurub baa laga dhisayey oo qurbo joogtii joogto, midna Daami oo cid kale oo lagu riixaaba aanay jirin.

Su’aashu waxay tahay, sadaqada qofku ku bixinayo masaajid qurbaha ku yaal oo la tuhmayo inay joogaan dadkii lacagta heli karayey iyo sadaqada qofku ku bixiyo dhismaha masaajid gudaha dalka ku yaal oo baahi weyn u qaba dadka ka ag dhoweyn awood u lahayn inay dhistaan, iyama Labadaas sadaqadood ajri iyo xasanaad badan ????????

 

Barkhad-Ladiif M. Cumar

COMMENTS
LINKS