Halyeygii Hore Ee Manchester United Paul Scholes Oo Ka Digay In Ay Zidane Keenaan!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halyeygii Hore Ee Manchester United Paul Scholes Oo Ka Digay In Ay Zidane Keenaan!!
December 7, 2018 - Written by Editor:

Halyaygii Hore ee kooxda Manchester United Paul Scholes ayaa ka digay saraakiisha Red Devils, inay sameeyaan saxiixa Zinedine Zidane si uu noqdo macalinka cusub ee United Dhinaca kale Paul Scholes ayaa tilmaamay in waayihii wanaagsanaa  ee Zidane ee kooxda Real Madrid aan loogu tixgalin karin inuu guulo la gaadhi karo Manchester United.

sidane

Zinedine Zidane ayaa dhinaciisa lala xidhiidhinayaa  xiliyadii lasoo dhaafay kooxda Manchester United, si uu u noqdo badalka Jose Mourinho, kadib hoos u dhac weyn ee ku yimid Red Devils xili ciyaareedkan 2018/2019.

Hadaba wargeyska “Daily Mirror” ee dalka England ayaa sheegay in Paul Scholes uu su’aal ka keenay in Zinedine Zidane uu guulo la gaadhi karo kooxda Manchester United, kadib marka uu yimaado sababtoo ah  Real Madrid wuxuu haystay koox geesiyaal ah oo isku xidhan oo qaabciyaareed fiican ku jirtay taasoo si qurux badan kula guulaysatay  tartanka Champions League.

Markaa imika shaqada loo baahan yahay ama shaqada ay kooxdu Manchester u baahan tahay ayaa ah sidii kooxda la iskugu xidhi lahaa ee kooxda kalsoonideeda loo soo celin lahaa ka dib ayay kooxdu guulo iyo koobab gaadhi kartaa.

Manchester united ayaa sanadkan ku jirta kaalinta 8aad ee kala horeynta  kooxaha horyaalka ingiriiska iyadoo sanadihii ugu danbeeyeyba iska daalo dhacaysa sidii uu uga tagay macalinkoodii hore.

WAJAALENEWS DESK

 

Diyaariye Shiine Mataan.

 

COMMENTS
LINKS