Wakiilka Jose Mourinho Oo Ka Hadlay Mustaqbalka Mourinho Iyo Kooxda Manchester United. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wakiilka Jose Mourinho Oo Ka Hadlay Mustaqbalka Mourinho Iyo Kooxda Manchester United.
December 7, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Wakiilka Jose Mourinho Jorge Mendes  ayaa ka hadlay wararka sheegaya inuu ka tagayo shaqada kooxda Manchester United xili ciyaareedka soo socda Sida ay shaaca ka qaadeen warar dhawaanahan ka soo baxay in “Special One” uu dareemayo cadaadis badan xilli ciyaareedkan, ka dib natiijooyinkii xumaa ay la kulantay Red devils.

WAKIILKA MORINHO

Dhinaca kale waxaa jira warar ku aadan in macalinka kooxda Tottenham Hotspur ee Mauricio Pochettino uu yahayn kan ugu dhow ee lagu bedali karo Jose Mourinho laakiin Jorge Mendes ayaa arintan soo afjaray kadib markii uu kaga hadlay wareysi uu siiyey Wargeyska “Mirror” ee dalka England.

Jorge mendes ayaa sheegay in mourinho ku faraxsan yahay kooxda Manchester united sidoo kale kooxduna way ku faraxsan tahay joogitaankiisa wuxuuna haystaa heshiis uu wakhti dheer ku sii joogayo kooxda Manchester united wuxuuna samaynayaa in uu kooxda ka dhigo sidii ay kooxdu u samayn lahayd bandhig fiican una soo ceshan lahayd kalsoonidii kooxda.

Manchester United ayaa waxay ku jirtaa kaalinta 8-aad ee dhanka kala sareynta horyaalka Premier League, kadib markii ay soo urursatay 23 dhibcood, waxayna 18 dhibcood ka hooseeyaan kooxda hogaaminaysa tartanka ee  Manchester City.

WAJAALENEWS DESK.

Diyaariye:-  Shiine Mataan.

COMMENTS
LINKS