Maraykanka Oo Qorshaynaya Sidii Dib Loogu Bilaabi Lahaa Wada-hadaladii Somaliland & Somaliya Iyo Xogo Xidhiidhiyay Socdaalka Wasiirka Arimaha Dibada Jsl! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maraykanka Oo Qorshaynaya Sidii Dib Loogu Bilaabi Lahaa Wada-hadaladii Somaliland & Somaliya Iyo Xogo Xidhiidhiyay Socdaalka Wasiirka Arimaha Dibada Jsl!
December 7, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Warar laga hellayo ilo wareegyo ku dhow dhow diblomaasiyiin Reer galbeeda ayaa xaqiijiyay in maraykanku doonayo in xal kama danbays ah laga gaadho wada-haladda siyaasadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya. Xogahan ayaa sidoo kale tibaaxay in maraykanku doonayo in wada-hadaladda loo sameeyo jadwal cad oo leh wakhti bilow iyo dhamaad leh, isla markaana wata heshiis sharci oo bulshada caalamku goob joog ka ahaato.

SOMALILAND IYO SOMALIYA

Qorshahan Maraykanku ku doonayo in dib loo bilaabo wadahadaladan ayaa intaa ku daraya in dhawaan Somaliland iman doonaan wefti uu hogaaminayo danjiraha cusub ee dawladda maraykanka ee Soomaaliya iyo Somaliland  Ambassador Don Yamamoto, oo isagu qayb weyn ku yeelan doona wada-hadalkan.

JSL AND USA

Ambassador Yamamoto oo ahaa maskaxdii ka danbaysay wada hadaladdii Eritrea iyo Ethiopia ayaa doonaya in qaabkii loo dhamaystiray loo soo afjaro arrinta Somaliland iyo Soomaaliya. Danjiraha qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa la sheegay in isaguna qayb weyn ku yeelan doono wada hadalka Somaliland iyo somaliya .

Dhanka kale Shirkadaha Maraykanka Ee Chevron iyo Conoco philips oo sannadihii 80 tamaadkii dawladdii Maxamed Siyaad Barre heshiis kula gallay inay salliid iyo shidaal ka qodaan Somaliland ayaa xogtani iftimisay inay qayb ka yahiin dedaalka lagu doonayo in lagu dhamaystiro arrinta masiiriga ah ee u dhexaysa Somaliland iyo Soomaaliya.

Qorshahan ayaa ah in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ay kulan ku yeeshan dhamaadka bisha January ama horaanta bisha February Magaaladda Jabouti Ee Xarunta Jamhuuriyadda Jabouti. Halka Lagu wado in labada dhinac ay soo xuli doonaan guddiyo ka qayb gali doona wada-hadaladda labada dhinac waxaanay Wada-hadaladdani ay ka qabsoomi doonaa Jabouti. Wadahaladdan ayaa kuwii hore kaga duwanaan doona iyadoo beesha caalamku u samayn doonto Ajande iyo jadwal ay labada dhinac raali ka wada yihiin isla markaana wada-hadaladdu ku Qotomi Doonaan. Sidoo Kale Waxaa Lagu Wadaa in Beesha caalamka ayaa goob joog ka noqon doonto wada hadalka, halka dawladda Jiboutina ay ku matali doonto dhex dhexaadinta garnaqisga Somaliland Iyo Somaliya.

Dhanka kale waxaa dalka maraykanka safar ku tagay magaaladda Washington Wafti ka socda Somaliland oo uu Hogaaminayo Wasiirka Arimaha Dibada Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon, wallow aan wali wax war ah laga helin dhinaca somaliya wafti ka anbabaxay kuwaasi oo lagu wado in ay la kulmaan kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda maraykanka u Qaabilsan Arrimaha Afrika Tibor Peter Nagy Jr. oo isaga laftigiisu arrimahan Jabouti u joogay Usbuuc ka hor. Sicad looma oga wakhtiga rasmiga ee arimahani uu bilaabayo maraykanku marka laga reebo waftiga Somaliland oo xogahani laga helayo arimaha uu damacsan yahay Maraykanku unoqonaysa mid ka dhigta in qorshahaasi muuqdo saan saantiisu iyadoo dhanka kale aanay wali ka hadal madaxda Somaliland iyo Somaliya Xaqiiqada Qorshahan.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS