Codkeena Caasimada Maloo Caqli Dayey!.W/Q;Muxiyadiin Yusuf Cade. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Codkeena Caasimada Maloo Caqli Dayey!.W/Q;Muxiyadiin Yusuf Cade.
December 7, 2018 - Written by Editor:

Waa Madal kulmisay  dhalinyar mud iyo labeen ka ahaa masrixiyadahii  doorashadii u danbaysay ee lagu doortay madaxwayne Muuse Bixi Cabdi. Rag badan oo goobta ka soo xaadiray  wakhtigii ololaha indhaha  ismay siin karayn, wallow ay dhacdana waaba la is gacan saarayey. Laba garab oo kala fog oo labada Xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE ayey ku ahaayeen . way kala irdhoobeen wallow ay dan, deegaan, mag iyo tolnimo wadaag ahaayeen. Waxase I yaab galiyey tolow maxaa mideeyey maanta oo isku keenay?

dhalinyarada casimada

Huteel Mansoor ayaa wax ka qabsoomay kulan kulmisay  dhalinyar ka mid ah kuwa ku nool  degmooyinka 26ka Juun iyo Ibraahim Koodbuur ee Magalada Hargaisa. Dhalinyartan ayaa waxa isku keenay dareenka ah sidii dhalinyarta Somaliland kaalin ugu yeelan lahayd xulista musharixiinta gole deegaanada una garabsiin lahaayeen waayeelka ku kaliyeystay kala doorista cidii ku matali lahayd siyaasada bulshooyinka kala duwan. Arintan oo xal u noqon karta in la horimarin karo habka xulista musharaxiinta si loo helo qof leh kartida uu ku matali karo masiirka bulshadiisa.

Kulan ayaa muunad u ah sida ay dhalinta Somaliland ugu diyaar yihiin in la gaadhay wakhtigii siyaasada hayb matalka looga digo rogan lahaa. Dhacdadan ku cusub saaxada siyaasada ayaa hoge-tusaale inoogu filan in dhalinyarta wadanku fahamto in dilmuqraadiyadu tahay in aan sidii Lo’da wado raad qudha la isku daba istaagin loona diyaar garoobo ka midho dhalintii hankii uu Macalin Gaariye (IHUN) maansada ku tibaaxay ee uu yidhi (wuxuunbaa ehel ii ah, dad ninkaan af-aqaan ee na midayso ujeedo).

Raga Goobta ka soo xaadiray ayaa waxa ka mid ahaa rag kala irdhoobay wakhtigii ololaha. oo reer Hargaisa ah lana abtirsiin-wadaag ah beeralaydii Madar, Qadaw iyo Qodaaladii Gabiley. Waxa marti galinta fidiyey Maxamed Sheekh Cabdiraxman (Guulxisbiyada loo diyaar gareeyo Kulankan ayaa waxa abaabulkeeda lahaa wiil dhalinyar ah oo dhawaan shaaciyey hankiisa ah inuu  rabo inuu u xildhibaan matala xaafada Jig-Jiga yar noqdo kana qayb-galo tartanka doorashada golaha deegaanka ee caasimada Hargiesa. Mr. Maxamed sheikh Cabdiraxamaan oo ah wiilka soo agaasimay kulanka ayaa sheegay in sobobta oo uu casuumadan u fidiyey tahay in la gorfeeyo sidii dhalinyartu kaalin ugu yeelan lahayd soo xulista musharixiinta beelaha matalaya loogana baahan yahay in odoyaasha dhaqanka la garab istaago.

Xamse Cabdiraxmaan Khayre, Gudoomiyihii ololaha Xisbiga Waddani, oo madasha shamaceeda ifayey ahaa kuna soo shaac baxay sidii uu ugu dhiiraday ka mid noqoshada xisbi uu calanside u yahay musharax ay kala Hayb yihiin halka Mr. Wali ahaa Kulmiyahanka xadhkaha u xidhay taabo galintii aragtidii Horaa loo soconayaa… kulanka ayaa gebo-gabadii la isla qaatay in iyadoo hayb wadaag la yahay hadana lakala xisbi noqdo. Waxa gun iyo baar la isla qaatay in maadama iyagu kasoo jeedaan bulsho iyo dad loo majeeranayo aqoon iyo tijaarad, kana mid ah dadka uu ilaahay ku beeray Caasimada Hargaisa, degmooyinka Koodbuur iyo 26 Juun, waa in ay talaabada hore qaadaan oo dhalinyartana tusaale ugu noqdaan  in kaalintooda ka qaataan soo xulista musharixiinta oo wakhtigan loo aaminay in ay tahay shaqo waayeel iyo odoyaal dhaqan .

QALINKII; Muxyadiin Yussuf Awrabaax

galbeedi1988@gmail.com

COMMENTS
LINKS