Tobanka Tababare Ee Kubbada Cagta Ugu Fiican Oo Ay Soo Saartay ESPN: | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tobanka Tababare Ee Kubbada Cagta Ugu Fiican Oo Ay Soo Saartay ESPN:
December 8, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) ESPN ayaa sanad kasta soo saarta qiimaynta ciyaartoyda aduunka ugu fiican boos kasta iyo 10 tababare ee aduunka ugu fiican iyadoo loo eegayo macalin kastaaba inta uu sanadkaa wax soo qabtay iyo guulaha uu gaadhay.

Tababarayaasha ugu fiican

Ugu danbayn tababarhaa kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa loo doortay in uu yahay tababaraha kubbada cagta aduunka ugu fiican sanadkan 2018 ee qiimaynta ESPn waxaana kaalinta labaad ku jira Jurgen Klopp.

Tababaraha kooxda Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa kaalinta saddexaad ku jira halka Maxi Allegri oo Juventus hogaamiyaa uu kaalinta afraad ku jiro lakiin Maurizio Sarri ayaa noqday tababaraha shanaad ee aduunka ugu fiican ee qiimayntan ku soo baxay.

Waa Kan Liiskii Oo Dhamaystiran iyo Sida Ay U Kala Horeeyan.

1 | Pep Guardiola

2 | Jurgen Klopp

3 | Diego Simeone

4 | Massimiliano Allegri

5 | Maurizio Sarri

6 | Didier Deschamps

7 | Mauricio Pochettino

8 | Carlo Ancelotti

9 | Tite

10 | Thomas Tuchel

Diyaariye Shiine Mataan.

COMMENTS
LINKS