Itus oo Itaabsii (Q.7aad) Koomiishanka Doorashooyinka, Golaha Wakiilada iyo Axsaabta Qaranka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Itus oo Itaabsii (Q.7aad) Koomiishanka Doorashooyinka, Golaha Wakiilada iyo Axsaabta Qaranka
December 9, 2018 - Written by Reporter:

Mudooyinkii u dambeeyay waxaa bulshada somaliland u dheg taagaysay Doorashadii isku sidkanayd ee Golaha Wakiilada iyo Golaha Degaanka qabsoomideeda.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 28/11/2019 ayaa komiishanku ku dhawaaqay inanay dhacaynin ama qabsoomaynin wakhtigii u cayimnaa doorasha kaas oo ahaa 29/03/2018. Sidaa daraadeed Qormooyinkii taxanaha ahaa ee ITUS OO ITAABSII aan ku soo qaato, isla markaana si qoto dheer oo waafi ah aan uga hadlo, wixii su’aalo ahna aan u celiyo halka ay giraantu ka rogmi la’dahay. Gudoomiyaha Komishanka Dorashooyinka Eng Cabdiqadir Iman Warsame isagoo ka hadlaya caqabadaha ay keenay in doorashadii baaqato, Waxa uu hadalkiisii u dhignaa sidan ” Markii komishanka Doorashooyinku diyaariyay dhamaan qorsho hawleedyadii u yaalay ama horyaalay waxaa ka hor yimid caqabado, caqabadahaas oo isugu jira kuwo sharci, kuwo siyaasadeed iyo kuwo dhaqaalaba oo kala ahaa 1. Saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada taas oo ilaa hada aan la gaadhin xal iyo heeshiis midnaba. 2. Xeerarkii Diwaan gelinta Cod bixiyayaasha iyo dooraahooyinka oo udub dhexaad u ah qabsoomida doorashada golaha wakiilada iyo Degaanka ee isku sidkanaa oo ilaa hada aan la ansixin. 3. Diwaan galinta codbixiyayaasha oo laf dhabar u ah qabsoomida doorasho sharciguna dhigayo in doorasho kasta ka hor la sameeyo ama la qabto oo aan qabsoomin. 4. Xisbiga wadani oo ku dhawaaqay bishii March/ 2018 kii in uu joojiyay dhamaan wada shaqayntii ka dhexaysay isaga iyo komishanka doorashooyinka qaranka taas oo caqabad ku noqotay shaqadii komishanka. 5. Wada xaajoodkii u dhaxeeyay asxaabta qaranka oo iyaguna ilaa hada wax xal ah ama is fahan ah aan laga gaadhin. 6. Miisaaniyadii lagu galayay Doorashada isku sidkan ee inagu soo socota oo iyaduna aan wali dhamays tirnayn ama aanaanu wada haynin. Caqabadaasi waxay suurto gal ka dhigi waayeen in komishanka doorashootinka qaranku shaqadii qabsado”. Lixda qodob ee caqabada ku noqday xilligii dorashadu qabsoomi lahayd aan saafo, saarana miisaankii nuxurka hadalka mid walbana aynu sii furfurno si aynu u taabano xaqiiqda. Qodobka 1aad: Saami qaybsiga Kuraasta Golaha wakiilada. Allow aqoon la’aan ha nagu cadaabin, eexna ha nagag tegin, waxaan uga socdaa maanta ama wakhti xaadirkan may ahayn in dood, yooyootan iyo muran ay gasho saami qaybsiga kuraasta golaha wakiiladu, waxay ahayd in horeba loo sii diyaariyo laguna saleeyo gobalada dalka, isla markaana loogu yeedho (Xeerka Saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada ee gobalada). Way dhici wayday ileen Biyo daatay à waa la qanan jiraye, imikaba Golaha wakiiladu ha diyaariyaan … in kastoo Gudoomiyaha golaha wakiiladu uu hore u yidhi ” Golahayaga ma khusayso diyaarinta saamiga kuraasta golaha wakiiladu, waa hawl u taala saddexda xisbi qaran”. Xaqiiqdii marka aan runta lala gabanaynin xildhibaan kasta oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiiladu waxa uu ka soo baxay asxaabta qaranka iyo gobal.

Hadii layska indho tirayana maan sheegin. Qodobka 2aad: xeerka diwaan gelinta iyo Doorashooyinka golaha wakiilada iyo golayaasha degaanka ee aan la ansixin. Waxa ay komishanka qaranku madaxweynaha u gudbiyeen markii ay kaabis iyo wax ka badal ku sameeyeen Bishii April/2018, madaxweynuhuna waxa uu u sii gudbiyay golaha wakiilada si ay u ansixiyaan oo uu dhaqan gal u noqdo, mudada ka hadhsanayd waxay noqonaysaa 10 bilood iyo 28 caano maal maalintii doorashadu qabsoomi lahayd. Walee waa hubaal in hawl aan daacad laga ahayn ansixmaynin, waxaanan qabaa in odayaashaasi ay jeclaysteen sii fadhiga mudo dhaafka ah ee cago cagaynaya ama gaadhaya 13 Gu. Dal ba’aw yaa ku leh.

Qodobka 3aad: Diwaan gelinta codbixiyayaasha oo aan qabsoomin: Yaab, Amakaak, Fajac iyo dhabano hays weynaa. Aan u kala saaro labba amuurood midi waa xeerkii ay ku qabsoomi lahayd oo qaydhin isla markaana ay diideen in ay bisleeyaan golaha wakiiladu. Mida kalena waa dhaqaalihii lagu qaban lahaa diwaan gelinta. 20/10/2018 qudbadii uu jeediyay Madaxweynuhu waxaa ka mid ahaa in April/2018 ay ku wareejiyeen komishanka doorashooyinka xadi lacageed oo dhan labba milyan oo dollar ($2,000,000) lacagtaas oo ka mid ahayd afartii milyan ee dolar ($4,000,000) ee xukumad ahaan kaga soo hagaagay dhaqaalihii ku baxayay Doorashada gaar ahaan diwaan gelinta codbixiyayaasha, labba milyan ee dolar ($2,000,000) ee hadhsana ay diyaar ka tahay kuna wareejinayaan. Qodobka 4aad: Xisbiga wadani oo kalsoonidii kala noqday Komishanka: Aan soo qaato bayd Nin wax diiday oon garan. Wax kaluu ku doorsado. Wuxuu doonayaan jirin.
Maamulka komishanka doorashooyinka waxaa uu ku joogaa sifo sharci ah dastuurka qaranku raali ka yahay, waxay leeyihiin mudo xileed bilow iyo dhamaad leh, maalinta ay mudadaasi buuxsan tana waxaa hubaal ah in hadii ay sii fadhiyaan sharci daro noqonayso, ilaa sifo sharciya dib loogu doortao ama Xubno cusubi badalaan. sidaa daraadeed xisbiga wadani waxaa la gudboon inay dhawraan Dastuurka iyo xeer xoosaadyadiisa waa hadii ay doonayaan in ay doorasho qabsoonto. Hadii kale maan sheegin!
Qodobka 5aad: wada xaajoodkii u dhaxeeyay asxaabta qaranka oo ilaa hada wax xal ah gaadhin: Haynu wada hadalno waa aynu heeshiino, lakiin ijiid aan ku jiidee waa gacmo daalis. Dastuurka qaranka iyo xeer hoosaadyadiisu waa kala hagaha asxaabta qaranka, bulshada qaybaheeda kala duwan iyo saddexda tiir ee dawladu ka kooban tahay waa ( sharci dajinta, Fulinta iyo maxkamada) Waxaa laga wada dharagsanaa darafyadii ay kala is taageen asxaabta qaranku, waxaa kaaf iyo kala dheeri noqday in axsaabta xisbiyo ka mid ahi ku dhawaaqeen inay qabanayaan shir beeleed. Ka daroo dibi dhal waa mawduux ka sii mug iyo miisaan weyn wixii laysku maan dhaafsanaa. Halkaa dhaafi maayo waxaanan u daynayaa bulahada somaliland intii wax garad ah si ay u faaqidaan una falanqeeyaan.
Qodobka 6aad: miisaniyadii lagu galaayay doorashada isku sidkan oo aan wada gaadhin koomishanka qaranka: Doorashadu waxay ku qabsoomaysaa xadi dhaqaale oo dhan lix iyo toban milyan oo dolar ($16,000,000), xukumada waxaa ku aadanaa xadi dhan afar milyan oo dolar ($4,000,000), Qaadhaan bixiyayaashana waxaa ku aadanaa labba iyo toban milyan oo dolar ($12,000,000) Intii xukumada waa la hayaa laakiin inta dhiman waa intii laga sugayay qaadhaan bixiyayaasha Qoladaasina waxay ogaadeen oo ay arkeen inaynu isku khilaafsanahay oo aynaan doonayninba doorasho qabsoonto.
GaboGebo:
Asbaabtaa kaliftay in Doorashada Golaha wakiilada iyo golaha degaanku ee qabsoomi lahayd 29/03/2018 ay dib uga dhacdo Ma jidaynayaa Dastuurka qarana iyo xeer hoosaadyadiisu?
Qore: Cabdixakiim Maxamed Cabdi (samokaab)

COMMENTS
LINKS