Xiddigaha Ugu Fiican Premier League Ee Bishii Dhamaatay Oo Koox Laga Sameeyey. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xiddigaha Ugu Fiican Premier League Ee Bishii Dhamaatay Oo Koox Laga Sameeyey.
December 9, 2018 - Written by Editor:

HARGEISA(W,N) Premier League ayaa ku socda si xiiso leh iyadoo saddexda kaalin ee sare ay kala xirteen Manchester City, Liverpool iyo Chelsea ilaa iminka 12-ka kulan ee la ciyaaray welina kooxahan dhinacooda dhulka lama dhigin.

XIDIGAHA UGU FIICAN 1

Express ayaa shax ka sameysay xiddigaha ugu fiican horyaalka Ingiriiska oo maraya meel xasaasi ah iyadoo ay jiraan kooxo aan ilaa hada laga badin oo aan dhinacooga aan dhulka la dhigin.

SHAXDa

Kooxo badan oo ay ka mid tahay Manchester United oo iyadu si naf lacaari ah ku socota kal ciyaareedkan ayaan midna ku lahayn shaxda halka sidoo kale la qadiyay Arsenal inkastoo ay qaab ciyaareed fiican ku jirto.

Goolhayaha Shaxdan ayaa laga dhigay midka shabaqa u ilaaliya Wolves ee  Rui Patricio maadaama uu door wayn ka ciyaaray inay kooxdu soo xirato kaalinta 7-aad ee horyaalka.

Daafaca waxaa ka wada ciyaaraya wiilasha Liverpool ee Virgil van Dijk iyo Andrew Robertson, waxaana ku wehliya xiddiga Mancheser City Aymeric Laporte.

Khadka dhexe waxaa qabsaday xiddigaha Guardiola David Silva, Raheem Sterling iyo Fernandinho, waxaana ku lamaaniya Ryan Fraser ee khadka dhexe ee weerarka uga ciyaara AFC Bournemouth.

Fraser ayaa shaxda lagu soo daray maadaama uu yahay laacibka ilaa iminka caawinta ugu badan ka sameeyay Premier League xili ciyaareedkan 6-caawin.

Weerarka ayaa waxaa ka wada ciyaaraya xiddigaha waa wayn ee Eden Hazard, Maxamed Saalax iyo Sergio Aguero.

EEG SHAXDA:

Diyaaariy:- Shiine Mataan.

COMMENTS
LINKS