Looyar Go’Aan Magaadho Wuuse Ku Doodi Karaa Meeday Maxkamadii Sare Ee Dawlada Puntland Go,aan keedii? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Looyar Go’Aan Magaadho Wuuse Ku Doodi Karaa Meeday Maxkamadii Sare Ee Dawlada Puntland Go,aan keedii?
December 9, 2018 - Written by Editor:

Ceebtii u waynad iyo Soomaaliya oo layaaban war midanaa dawlad aqoontii Puntland lagu sheegi jiray!!? Madaxweyne dr Gaas ayaa soo galiyay baraha bulshada war qad ninkii arkayba uu kanaxay heerka dawlad aqooneed ee ay marayso Puntland. nin loo yar ah oo xafiis uuga furan yahay garoowe,sida ku cad warqadan hoose ayuu dr gaas ku yiri ee fiiri in aan sharci ahaan xaq u leeyahay in aan anigu gudiga magacaabo,kuxigeen kayguna uusan xaq u lahayn magacaabid. looyarkii wuxuu u qoray in dr gaas uu xaq uleeyahay magacaabida gudiga doorashada iyo xalinta khilaafadka laakiin shardigu yahay in uu latashado madax weyne ku xigeenka,taasoo haduu baal maro wuuu magacabay aysan ahayn ansax sida sharcigu qabo.

maamulka puthland

Latashi weeye waxa wax ku ansaxayaan,waayo shircigaa sidaa ah waa masiir umadeed nina lama carari karaayo. ama shaqsi ha qabsado ama dawladi ha qabsatee looyar go aan malaha udoodis mooyee,wuuna kuu sheegi karaa waxa sharcigu qabo waa intaa oo kaliya. waxaa noo cadaatay Puntland in ay caawimaad u baahantahay ah nidaamka dawladnimada khu saysa,hadii madax is qabsato,hadii sharci laysku qabto marjaca loo noqdaa waa go aan maxkamadeed iyadoo nin walbaa wato garyaqaankiisa.

Sadexda gole ee salka u ah dawladnimada iyo maamulkeeda,waa golihii fulinta,golihii sharcidajinta,iyo Garsoorkii maxkamadii.ma waxaa Garsoorkii ah garyaqaankan dr gaas yiri ii qor warqada ninbaan ishaynaaye!! dawladnimooy sidaadaba xaal qaado.hada waa dad kuleh hooyadii fadaraalka ayaanu nahay oo waliba 20 sanadood soo ahaa maamul ama dawlad!! maanta masharcigii qodabaysnaa ee inoo yiilay baan baal maraa oo daliil ka dhiganaa kaaga darane Faroolaa sidaa yeelay iyo cade muuse ayaa sidaa yeelay! sharcibaa laga hadlayaa ee faroole maha qodob cade muusana maha qodob iyagu siyaasiyiin bay ahaayeen waxooda meel marsanaayay,maha qodob sharci ah oo la daliishado doqoneey dabkaa ba. damaca qof iyo sharcigu waa kala labo.layska yeeli maayo sharcidaro iyo indha cadays midna.

Dastuurka iyo sharciga u dhigan Puntland waxa uu dhigayaa,in wax masiir umadeed ah aanu saxiixi karayn madaxweynuhu laga bilaabo markuu isu sharaxo madaxweyne marlabaad,waxaan aragnaa shariciguu oo lagu tuntay oo madaxweynuhu magacaabayo gobolo iyo dagmooyin hore xaqoodii looga seexday,hadana kuraas iyo ii codee laaluush cad uu umagacaabaayo.waxaan diidaynaa maha gobol iyo dagmo lamagacaabay ee waa ku tagri fal masiirkii umada iyo jabin sharcigii u dhignaa dawlada Puntland.

Warqadan aan sharciga waa faqsanayn,ee noqonaysa mid aan ka iman maxkamada sare ahayna go aan maxkamadeed  iyo gudoomiyahaya oo ah ninka dalka madaxweyne kasii ah inta laga daroonaayo madaxweyne  waa mid mudo laga taariikhaynayo waana false marka shariciga la eego.Puntland way ka ladnayd hada kahor warqado falsa ah been abuur iyo taytalo si khaldan loo isticmaalo iyadoo la adeegsanaayo magaca dawlada puntland. ma doonaayo in aan waxbadan sii sheego laakiin tani waa ceeb soomaalidaa tiraahda ” hadaad dhiman dhareerka waa layska duwaa” shacabka iyo odayaasha iyo wax garadka guud ahaan Puntland hade waad aragtaan heerka wax marayaan hala bad baadiyo Puntland aayaheeda danbe,hana lagu kala baxo qabsoomid doorasho xor iyo xalaal ah,hana la doorto nin masuul ah oo shacabkuna ah kayrabaan.

COMMENTS
LINKS