Daraasadii Ugu Horeysay Ee Warbaahinta La Adeegsado! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daraasadii Ugu Horeysay Ee Warbaahinta La Adeegsado!
December 9, 2018 - Written by Editor:

Inkastoo daraasado badan aanu samaynay, balse maalintani waxay ahayd maalin agtayda ku qaali ah, waxay ahayd wakhtigii khilaafaadka ugu adkaa ee dhinaca Siyaasaddu taagnaa, waxa muranka ugu weyni ka dhexeeyey xisbigii UDUB iyo KULMIYE oo wakhtigaasi doobinayey, waa maalintii ugu horaysay ee khilaafaadkii jirey ay xaliyeen dad shisheeye ah, taas oo laga soo saaray lix qodob, waagaasi (horaantii 2010-ka) waxaan gudoomiye ka ahaa ururka cilmi baadhista Somaliland (SRC), si khilaafkan soo noqnoqday looga baxo waxaanu samaynay daraasad cilmi baadhiseed oo xal u noqda khilaafyada siyaasadeed ee mar walba dalka khatar galiya.

Barkhad ladiif

Bandhiga natiijada daraasadan waxaanu ku soo bandhignay Maansoor, waxaana ku casuumay saddexda xisbi iyo xukuumadii UDUB, nasiib daro xisbigii UDUB maalintaasi way ka baaqdeen xafladda, haseyeeshee waxa ka soo qaybgalay xisbiga kulmiye oo uu horkacayey Gudoomiye ku xigenka xisbiga oo ahaa Muuse Biixi oo hadda madaxweyne ah.

Waxaanay ahayd daraasadii ugu horeysay ee si furan dadku uga qaybqaateen anagoo isticmaalaynay warbaahinta qaybaheeda kala duwan (Tv-yadda, wargeysyada iyo Website-yada), waxaanay ahaayeen Questionnaire ay dadku ka soo jawaabayeen, iyagoo soo garaacaya telefoono loogu tallogalay, ujeedaduna waxay ahayd inay dadku ka qaybqaatan waxyaalaha masiiriga ah ee iyaga khuseeya lana waydiiyo waxay ka qabaan iyo waxay ku xalin lahayeen.

Daraasaddaaasi waxay ka duwanayd jidadka ay u maraan siyaasiyiintu marka xalinayaan khilaafyada siyaasiga ah, maadaama oo dhaqan u noqotay Somaliland in arrinkasta oo dhacda lagu dhameeyo xeer jajaban, arrintaasi way ka soo horjeeday daraasaddu.

QALINKII; BARKHAD LADIIF CUMAR.

 

COMMENTS
LINKS