Mid Ka Mid Ah Wadamada Islaamka Oo Xulka Qaranka Dumarku Sheegeen In Xidhiidhku Kula Kaco Dhaqamo Xun. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mid Ka Mid Ah Wadamada Islaamka Oo Xulka Qaranka Dumarku Sheegeen In Xidhiidhku Kula Kaco Dhaqamo Xun.
December 9, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Madaxda sare ee Xidhiidhka kubadda cagta dalka Afghanistan ayaa Waxa dhex Taagan fadeexad dhinaca kubada cagta ah ka dib markii masuuliyiinta ugu sarreya kubadda dalkaasi ay dhaqamo anshax xumo ah kula kaceen xulka qaranka dumarka ee wadankaasi leeyahay.

XULKA DUMARKA

Wadanka Afghanistan ayaa ganaaxay shan masuul oo uu ka mid yahay Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta ee dalku ka dib markii ay soo baxeen eedaymo sheegaya inay af-lagaado jinsiyeed kula kaceeen dumarka xulka haweenka.

XULKA DUMARKA 2

Go’aankan ayaa imanaya maalmo ka dib markii Madaxweyne

Ashraf Ghani uu madaxa daba galka dalkaasi amray inuu sameeyo baadhitaano isaga oo dalbaday in la baadho wax uu ugu yeedho sheegasho layaab leh oo ay dumarka qaranka dalkiisu ka sheeganayaan madaxda xidhiidhka.

“Xafiiska guud ee madaxa dabagalku waxa ay ganaaxeen Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta, Ku xigeenkiisa, Xog-hayaha guud ee xidhiidhka, Madaxa goolhayayasha iyo Madaxa isku xidhka gobolada” Ayuu yidhi

Jamshid Rasuli oo ah af-hayeenka madaxa dabagalka.

Xaaladan ayaan ahayn markii ugu horreysay ee ay dhacdo isla markaana dhibaato loo geysto haweenka dalkaasi waxaana hore loo dhibaateeyay

Khalida Popal oo kabtan usoo noqotay haweenka Afghansitan.

Khalida ayaa gabi ahaanba ka qaxday dalkeeda kaddib markii ay heshay hanjabaado dil la xidhiidha kaddib markii ay sheegtay in raga madaxda ka ah xidhiidhka dalku ay dhibaateeyaan haweenka xulka qaranka matalaya.

 

Diyaariye:- Shiine Mataan.

 

COMMENTS
LINKS