“Madaxweyne Muuse Biixi Dadka La Tartamayaa Way Dhaliilaan Xabadna Kuma Rido, Farmaajona Ma Ogola Dhaliilaha”..Cabdiraxmaan Cabdishakuur | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Madaxweyne Muuse Biixi Dadka La Tartamayaa Way Dhaliilaan Xabadna Kuma Rido, Farmaajona Ma Ogola Dhaliilaha”..Cabdiraxmaan Cabdishakuur
December 10, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN)- Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir, siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo muddo 10 Bilood kadib maanta kusoo laabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arimo dhowr ah, Isaagoona eedayn culus u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya.

Mar uu ka hadlayay Siyaasadda dalka Soomaaliya ayuu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aanu u dulqaadan karin dhaliilaha ay kooxaha mucaaradka u jeediyaan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in musharaxiinta mucaaridka ah ee la tartamaya ay dhaliili karaan oo aanu xabadna ku ridin, laakiin madaxweyne Farmaajo aanu ogolayn dhaliilaha loo jeediyo, Isagoona dhinaca kale sheegay in Farmaajo aanu ogolayn Soomaalinimada oo uu dhinac kasta kala dagaalamay Dowladaha Somaliland iyo Jabuuti.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/w4lvLyd4zsw

COMMENTS
LINKS