Patrice Evra oo ka walaacsan ‘xadgudubkii cunsurinimada’ ee lagu sameeyay Raheem Sterling | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Patrice Evra oo ka walaacsan ‘xadgudubkii cunsurinimada’ ee lagu sameeyay Raheem Sterling
December 10, 2018 - Written by Reporter:

Daaficii hore ee kooxda Manchester United Patrice Evra ayaa wax layaab leh ku tilmaamay tacaddi cunsurinimo ah oo la sheegay in dhawaan loo geystay weeraryahanka Manchester City Raheem Sterling.

Falkan ayaa sida la sheegay dhacay xilli ay maalintii Sabtida ahayd ciyaar dhex mareysay labada kooxood ee Chelsea iyo Manchester City.

Ciyaartaas oo ka dhacday garoonka kooxda Chelsea ee Stamford Bridge ayaa ku dhamaatay 2-0 oo looga adkaaday Macnhester City.

Maamulka Chelsea iyo ciidamada booliska ayaa hadda baadhaya eedeyntaas lasoo tabiyay.

Evra oo u dhashay dalka Faransiiska, oo horena si cunsurinimo ah ula dhaqmay weeraryahankii hore ee kooxda Liverpool Luis Suarez sannadkii 2011-kii, ayaa markii arrintan wax laga weydiiyay la fajacay, wuxuuna yidhi “sidey tani wali ku dhici kartaa iyadoo la joogo 2018-ka?”.

37 jirkan ayaa baraha xidhiidhka bulshada ku soo qoray sidan: “iyadoo aan la eegeynin nooca uu midabkaaga yahay, ama diinta aad heysatid, ama dalka aad ka soo jeedid, waxaa loo baahanyahay inaan dhammaanteen isku dhimrinno”.

“Jacaylka ayaa aad uga awood badan nacaybka”.

Raheem Sterling

Weeraryahanka kooxda Liverpool Rhian Brewster, oo hore shan jeer cunsurinimo loogu sameeyay ayaa baraha xidhiidhka bulshada ku shaaciyay qoraal uu uga hadlayay markii ay qofka waxaas lasoo gudboonaadaan waxaana uu yidhi “waxaan waxay dhacaan marka aad u maleysid iney xaaladaha isbaddaleen oo ay arrintu hagaagtay…”

Wiigii la soo dhaafay ayaa maxkamad la soo taagay nin, ka dib markii qolof muus lagu soo tuuray garoonka Emitares oo ay ka socotay ciyaartii 4-2 ay Arsenal uga badisay kooxda Tottenham.

Sterling, oo 24 jir ah ayaa maalintii Axada ahayd bartiisa Instagram-ka ku sheegay in wargeysyada ay “sii hurinayaan cunsurinimada”, ayna uga sii darayaan dhibka loo geysto ciyaartoyda madow ee da’ yarta ah.

Laacibkan u ciyaara qaranka Ingiriiska ayaa sheegay inuu qoslay markii uu maqlay eedeymaha ku saabsan in la cunsuriyeeyay, maadama sida uu sheegay uusan filaneynin “hadal fiican”.

COMMENTS
LINKS